Gaari ay leeyihiin Ciidamada AMISOM ayaa maanta waxaa lagu qarxiyay nawaaxiga Kuliyadii Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho iyadoo qaraxaasi kadibna uu halkaasi iska horimaad ku dhaxmaray Ciidamada Burundi iyo Xoogaga ka soo horjeeda.
Qaraxani oo ahaa miinada dhulka lagu aaso lagana hago Rumuud Koontaroolka ayaa waxaa Saakay agagaarka Kuliyadda Jaale Siyaad ee magaalada Muqdisho lagula beegsaday kolanyo gaadiid ah oo ay wateen Ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Burundi kuwaasi oo ku sii jeeday Xarunta Kuliyadda Jaale Siyaad.
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in ay arkeen mid kamid ah gaadiidka Ciidamada AMISOM oo ay miinadu haleeshay islamarkaana ay hareeraha ka taagnaayeen gaadiid dagaal iyo Ciidamo farabadan oo kuwa AMISOM ah kuwaasi oo rasaas ku furayay 4-ta dhinac ee laamiga,waxaaana ay Ciidamadaasi hakid galiyeen in mudo ah isku socodkii dadka iyo gaadiidka ee ka jiray wadadaasi.
Dadka deegaanku waxa ay sidoo kale intaasi ku dareen in qaraxa ka dib Xoogaga ka soo horjeeda dowladda KMG ay weerar culus ku qaaden gaariga ay miinada haaleeshay iyo gaadiidkii kale ee la socday.
Macada qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi Miino hase ahaatee Saraakiil katirsan Xarakada Mujaahidiinta Al Shbaab oo Shabelle la soo xiriiray ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaasi ay iyagu gaysteen islamarkaana ay ku dileen Ciidamo ka tirsan kuwa ay qaraxa la eegteen,waxaana Saraakiisha dhaq dhaqaaqa Mujaahidiinta Al Shabab ay intasi ku dareen in qaraxa ka dib ay weerar ku qaadeen gaarigii ay qarxiyeen iyo kuwii la socday .
Afhayeenka Ciidamada Burundi Chauvineau (Jiifanyuu) oo la hadlayay idaacadaha maxaliga ayaa waxa uu sheegay in mid kamid ah gaadiidkooda ay wax yeelo ka soo gaartay Qaraxa lala beegsaday isagoo tilmaamay in aanay wax qasaaro ah soo gaarin Ciidamadooda.
“ qaraxa waxaa lala eegtay mid kamid ah gawaarideena, waxaan kuu sheegayaa in wax yeelo ay ka soo gaartay mid kamid ah gaadiidkeena Meliteriga,ma jiro wax ku dhintay iyo wax ku dhaawacmay,waxaaa saarnaa gaariga darawalkii waday waana uu bad qabaa wax kale oo Ciidamadeena soo garayna ma jiro.” Ayuu yiri Afhayeenka Ciidamada Burundi.
Afhayeenka Ciidamada Burundi Chauvineau (Jiifanyuu) waxa uu sidoo kale ka hadlay madaafiicda lagu garaaco goobaha ay ku badanyihiin dadka rayid ah gaar ahaan Suuqa Bakaaraha oo ah Suuqa ugu wayn magaalada Muqdisho.
“dagaalo ayaa ka soconaya Muqdisho oo ay isku haystaan Soomaalida dhaxdeeda,sidaas darteed ayay duqaymaha ugu dhacaan Suuqa Bakaaraha,laakiin anaga ma duqayno Bakaaraha,halkanna uma imaan in aan duqayno dad aan waxba galabsan,hase ahaatee Soomaalida dhaxdeeda ayaa ku dagaalamaysa Muqdisho,waana taas halka ay Madaafiicda kaga timaado Suuqa Bakaaraha” ayuu yiri Chauvineau (Jiifanyuu).
Qaraxan maanta lala beegsaday Ciidamada Burundi iyo iska horimaadkii ka danbeeyay ayaa waxa ay qayb ka yihiin qaraxyo iyo iska horimaadyo inta badan ka dhaca degmooyinka gobolka Banaadir kuwaasi oo u dhaxeeya Ciidamada dowladda KMG Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo dhinac ah iyo xoogaga hubayan ee ka soo horjeeda.