Majid, ayaa waxa uu ahaa nin si aad ah ula shaqeeyay MW hore ee dalkaas, Saadaam Xseen, kaa oo isna ladel delay waqti hore.
Ali Hassan al-Majid ayaa malaama kahor waxaa maxkamadi xukuntay kadib markii lagu eedeeayay in uu geestay falal aad u badan oo ay kujiraan xasuuq iyo denbiya dagaal.
Bishaan gudeheeda ayaa waxaa looxkumay weerarkii kurdiyiina lagu qaday 1988 kaa oo ahaa mid loo adeegsaday gaas
Weerarkaas oo kadhacay magaalada Halabja waxaa naftooda kuwaayay dad lagu qiyaasay 5,000 oo ruux.
Majid ayaa waxa uu ilma ader la’ahaa madaxweynihii ladel delay ee Saddam Hussein waxa uuna magaca Cali kiimiko qaatay markii uu weerarkas sunta ah u adeegsaday kurdiyiinta.
Daldalida Cali kiimiko ayaa waxa ay soobaxday inyar kadib markii sedax qarax oo ismiidaamin ah ay kadheceen bartamaha Baghdad,Lamagaranayo in ay werardaasi xariir laleeyihiin dal dalida Majid.
Majid ayaa June 2007 waxaa lagu xukumay toogasho taa oo loo aaneynayay doorkii uu kulahaa ololihii meleteri ee kadhanka ahaa Kurdiyiinta kaa oo socday February ilaa August ee 1988.
December 2008 sidoo kale waxaa lagu xukumay tooasho mar labaad isaga oo lagu eedeeyay dagaalkii gacanka ee 1991-kii.
March 2009 waxa lagu xukumay dil isaga iyo siyaasiyiin kale waxa ayna ku eedeysnaayeen muslimiin shiica ah oo lagu dilay meesha lagu magacaabo Sadri oo Baghdad kutalla 1999-kii