Jasiirada Sishalis oo ogolaatay in dalkeeda lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda Soomaalida ah.

Posted by Author on Feb 7th, 2010 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Jasiirada Sishalis oo ogolaatay in dalkeeda lagu Maxkamadeeyo burcad badeeda Soomaalida ah.

Mas’uuliyiinta Jasaarada Sishalis ayaa sheegay in ay ogolaanayaan in Jasiiradaasi lagu Maxkamadeeyo marka Ciidamada Caalamiga ah ee la dagaalanka Burcad badeeda xeebaha Soomaaliya ay soo qabtaan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida. 

 Wasiirka deegaanka iyo Kheyraadka Dabiiciga ah ee Jasiirada Sishalis ayaa waxa uu sheegay in Maamulka Jasiiradaasi uu ogolaaday in ay noqoto goobta 2-aad ee lagu Maxkamadeeyo kooxaha Burcad badeeda Soomaalida marka ay soo qabtaan Ciidamada Caalamiga ah ee Badda. 

Maamulka Jasiirada ayaa shegay in arintan ay timid kadib markii Midowga Yurub ay u ogolaadeen in Jasiirada Sishalis ay noqoto goobta 2-aad ee lagu Maxkamadeeyo Kooxaha Burcad badeeda Soomaalida ee ka qowlaysta gacanka Cadmeed iyo sidoo kale xeebaha Soomaaliya kuwaasi oo inta badan ay soo qabtaan qaar kamid ah Ciidamada Caalamiga ah ee Badda ee halkaasi ku sugan.

 Waxaa Midowga Yurub Ciidamada ka jooga gacanka Cadmeed ay tani u noqonaysaa fursad soo wajahday kadib markii ay soo qabtaan kooxaha Burcad badeeda Soomaalida in ay geeyaan Jasiirada Siishalis halkaasi oo lagu soo taagi doono Maxkamda islamarkaana dib loogu soo masaafurin doono dalka Soomaaliya iyadoo la sheegay in Xabsiyada Jasiiradaasi ay yihiin kuwo aad u kooban.

 Arintani ayaa waxa ay ka dambysay markii kol hore ay ogolaatay dowladda Kenya in lagu Maxkamadeeyo dalkeeda kooxaha Burcad badeeda Soomaalida oo inta badan ay soo qabqabtaan Ciidamada Caalamiga ah ee ku sugan gacanka Cadmeed, waxaana arintani aan la ogeyn xiliga jasiirada Sishalis ay tani keeni karto in kooxo burcad badeed Soomaali ah markii ugu horeysay lagu soo Maxkamadeeyo maadama horay loogu Maxkamadeeyay qaar kamid ah kooxahaasi dalka Kenya iyo dalal kale.

Share and Enjoy:
  • Print

Comments are closed

Free counter and web stats