ururka al shabaab ayaa Xaruntii hore ee gulwadayaasha ku soo bandhigay sargaal sare oo ay ku sheegeen in uu katirsanaa DKGS gaar ahaan ciidamada ku xareesnaa warshadii hore ee nacnaca oo ku taalla degmada wadajir.
Waxaa kale oo ay soban dhigeen hubka fudud oo gaaraya ilaa iyo 50 qori oo ah nooca loo yaqaan AK-47-ka.
Afayeeka xaraka Al shabaab Sh. Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali Dheere) ayaa uag war bixiyay saxaafadda ninkaan iyo hubka uu lasoogoostay sida ay sheegeen.
Sh. Cali Maxamuud Raage wuxa uu sheegay in hub walba ee soo gala gacanta doowlada ayaguna uu si fudud ku soo gaarayo ayigoo u adeegsanaya lacago ay askarta dowlada ugu bedelaan qoryaha ay wataan.
Sidoo kale halkaasi waxaa kahadlay sargaalkii soo goostay ee katirsanaa sida u sheegay ciidamada DKGS, wuxuuna magaciisa ku sheegay Baashi Axmed Urur isaga oo kusheegay in uu kamid ahaa ciidamada doowlada ee dhawaan lagu soo tababaray dalka Djabuuti
Baashi Axmed Urur ayaa ku sababbeeyay soo goosashadiisa doowlada in ay dowladu mel iska dhigtay ku dhaqanka shareecada islaamka sidaasna ay ku kaliftay in uu kusoo biiro ururka Al shabaab.
Majirto ilaa hadda DKGS hadal ay kasoosaartay oo ku aadan in askarigaasi uu yahay mid jira iyo in uusan jirin.
Intabadan dhinacyada isaga soo horjeeda dalka ayaa waxaa ay soo bandhigaan ciidamo iyo hub ay ku sheegaan in ay kala soo wareegaan dhinaca kale hadiia ay ahaan laheed dowlada somalia ururka al shabab iyo ururka xisbul islaam.
Soobandhigidaa maanta ay sameeyeen Al shabaab ayaa imaaneesa xilli doowlada ay isku diyaarineeyso dagaalo ay lagasho dhinacayada kasoo horjeeda siyaasadeeda.