Dowlda kiiniya oo diiday in ay 2,500 oo askari usootababartay DKGS.

Posted by Author on Feb 8th, 2010 and filed under World News. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. Both comments and pings are currently closed.

Dowlda kiiniya oo diiday in ay  2,500 oo askari usootababartay DKGS.

Kenya waxa ay kasoo hor jeesatay wararka sheegaya in ay si guul ku jirto tababar ugu soo xirtay 2,500 oo askari kuwaa oo looqorsheyay in ay qeyb kanaqdaan ciidamada dowladu ay dooneyso in ay u isticmaasho dagaalka ay qorsheynesyo in ay dalka uga qabsato mucaaradkeea. 

Hadalka ay dowladu dafireyso ayaa waxa uu yahay hadal shalay wakaladaha qaar ay kasoo xigten sarkaal qariyay magaciisa oo sheegay in ciidankaas ay udhimantahay dib u eegidii ugu danbeysay oo kali ah laakiin tababarkoodu uu soo idlaaday.

 Sarkaalkaas ayaa waxa uu shegay in uu isagu qeyb ka’ahaa saraakiishii sooxirtay tababarka ciidamada somalida ah.

 Wararkaas markii saxaafadu ay qortay ayaa wasiirka difaaca kiniya Yusuf Haji waxa uu kusheegay warkaas mid been abuur ah oo aysan jirin ciidamada tabar loogu sameyay kiiniya oo looqorsheeyay DKGS.

 Kuxigenka wasiirka amaanka gudaha ee kiiniya ,Orwa Ojodeh ayaa isna dhankiisa diiday in uu jiro tababarkaas wakaaladuhu ay tebiyen, waxa uuna shegay in aysan jirin xitaa heshiis labada dowladood ee Somalia iyo kiiniya ay kuwada gaareen in ciidama somalida dalkaa loogu tababaro. 

Wararkii shalay soobaxayay ayaa waxa ay shegayen in ciidmaada latababaray da’doodu ay udhexeyso 20 ilaa 25 jir ayada oo halka uu kadhacay tababarkoodana lagu shegay magaalada Isiolo.

 Kenya ayaa iyadu hora waxa ay udiday in ay Somalia u soo dirto ciidama kamid naqda kuwa nabad ilaalinta u jooga dalka Somalia ee AMISOM  kuwaa oo midawga Afrika ay ugu tala galeen in ay taageera siiyaan DKGS ee tabarteedu aad uliidata dagaalna kula jirta mucaarad xoog badan oo inta badan gobalada dalka gacanta kuhaya.

  DKGS oo heysata ciidamada badan oo loogu soo tababaray  Uganda, Djibouti iyo Burundi, ayaa waxa ay kudhawaaqday in ay dooneyso in ay dalka gabi ahaanba kala wareegto goobaha ay uga suganyihiin mucaaradku dalkaan ay dagaaladu aafeeyeen, inkasta oo Al shabaab iyo Xizbul Islaam iyana ay sheegaan in dagaalku socanayo ilaa caalamka dhan ay gacanta uga dhigayaan.

Share and Enjoy:
  • Print

Comments are closed

Free counter and web stats