Gudoonka Sare ee Barlaamka DKG Soomaaliya ayaa Rajo wanaagsan ka Muujiyey in goor dhow kulamada Barlamaanka lagu qaban doono Gurigii Hore ee Ummada ee Magaalada Muqdsiho Xili dayactir dowladu ay ka Bilowday Guriga Ummadda.
Gudoomiyaha baarlamaanka Somalia, sheikh aadan Nuur Madoobe, oo maanta shir saxaafadeed ku qabtay Guriga Ummadda ayaa waxa uu bahda war baahinta u sheegay in dayactir dowladu halkaa kabilaawday mudo isbuucya gudohood ahna kalfadhiyada caadiga ah ee baarlamaanka halkaa uga bilaaban doonaan.
Gudoomiyaha ayaa dhanka kale waxa uu kacodsaday bulshada caalamka iyo jaaliyadaha somalaaliyeed in ay gacan kusiiyaan dowlda dayactirka Guriga Ummadda oo ladoonayo in uu naqdo goobta rasmiga ah ee baarlanaamku maanta kadib shirkooda kuyeeshaa.
sheikh aadan Nuur Madoobe waxa uu sheegay in Shacabka somaliyeed iyo besha caalamka looga baahanyahay in dowlada talaaboyinka horu marka leh ay ku taageeraan si dowladu u naqato mid cagaheda isku taagta.
aadan Madoobe waxa uu sheegay in ay jiraan akoonno ay lacagta ugu soo shubi karaan dadka doonaya dowlada in ay kutaageeraan dakhli ay kusii wado dhismaha iyo dayactirka Guriga umadda oo ladoonayo in barlabaanku shaqada qaranka uu uhaayo kusii qabto mustaqbalka.
Baarlamaanka Somalia ayaa waqtigii uu casimada Somalia soo gaaray waxa uu shirarka caadiga ah ku yelan jiray xarunta gaadiidka booliska oo kutaalla Degmada Cabdi Casiis hasa yeeshe waxa uu uga sooguuray amaan darro waxauuna waayihii danbe fadhiyada kuyelanayay xaruna gobalka Banadir halkaa oo si kummel gaar ah uu ugu shaqeynayay.
Lama oga hadalka kasooyeeray Gudoonka Sare ee Barlaamka DKG Soomaaliya ee ku aadan in guriga umadda shaqooyinka caadiga ah ee baarlamaanka ay kuqabsoomi doonaan mustaqbalka ayada oo la’ogyahay in DKGS howla badan oo ay qaban laheyd ay kaxayiranyihiin ,hadana ay muujineyso in tabar la’aan xagga lacagta ah ay jirto maadama ay Shacabka somaliyeed iyo besha caalamka baaq ugu direyso in ay gacan kasiiyaan dhismaha Guriga Umadda.
Baarlamaanka Somalia ayaan wax kalafadhi ah yeelan waayihii danbe ayada oo isqabqabsi balaaran uu soo kala dhexgalay bilaawgii sanadkaan kadib marki lagu murmay xilka gudomiyaha oo qrar kamid ah mudanayaasha ay kudoodayaan in waqtigii uu sii gudoomin lahaa baarlamaanka uu kadhamaday halka qaarka kalana ay difaacayaan.