Ururka Xibul Islaam ayaa Dowlada Djibouti ku eedeyey in ay sii horinayso Colaadaha ka ka jira Dalka Soomaliya iyagoo dhanka kale soo dhawayey talabadii Dalka Nigeria ay ku diiday in Ciidamo Wadankeeda ka socda ay u soo dirto Soomaaliya.
Xog haya warfafinta Ururka Xibul Islaam, sheikh maxamaed macalin cali, oo maanta saxaafada kula hadlayay magaalada Muqdisho ayaa waxa uu ku ee deyay Djibouti in ay tahay dowlad aan dooneyn nabad waarta oo kadhalata dalka Somalia .
sheikh maxamaed macalin cali ayaa inta siiraaciyay in ay Djibouti dhowr jeer oo hore qeyb kaqadatay sii hurinta rabshaadha gaamuray ee kajira dalka Somalia.
Waxa uu kutilmaamay Djibouti dowlada garab taagan DKGS oo iyagu ay dagaal kula jiraan sidaas darted aan dhex dhexad ka aheyn xaaladda cakiran ee dalka Somalia.
Hadalka Xoghaya warfafinta Ururka Xibul Islaam ayaa waxa uu imaanayaa xilli dowlada Djibouti ay shegtay in ciidamada ka qeyb qaata howlgalka nabad ilaalined ee kajira dalka Somalia usoo direyso dalkaan dagaaladu lahareen bishaan gudeheeda, horana ay uga mid aheyd dalalkii DKGS ciidamada u soo taba baray.
Dhanka kale shiikha waxa uu shegay in Nigeria ay diiday in Ciidamo Wadankeeda ka socda ay u soo dirto Soomaaliya taa oo uu shegay in ay tahay talaaba wanaagsan oo hore loo qaday.