Xukuumada oo sheegtay in aanu Muqdisho macluul ka jirin
Muqdisho-magaaloonline:R.wasaaraha xukuumada KMG Soomaaliya C.wali max’ed Cali oo wareysi siiyay wargeyska Dialy telegraph ee ka soo baxa Dalka Engiriiska ayaa sheegay in ay been abuur tahay wararka tilmaamaya in macluul ay ka jirto Muqdisho.
Gaas ayaa sheegay in warka ka soo baxay QM ee tilmaamaya in macluusha ka taagan soomaaliya tan ugu daran laga dareemayo Muqdisho oo ay ku soo barakaceen dad badan oo ay abaarta saameysay.
Hadalka R.wasaare Gaas ka soo baxay ayaa ku soo beegmaya xili QM ay dalbatay qarash dheeri ah oo lagu maalgaliyo macluusha ka taagan Soomaaliya.