Axmed Diiriye: Waa wax laga xumaado hadalka Faroole

Odayaasha dhaqanka iyo midnimada beelaha Hawiye ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay hadal kasoo yeeray Madaxweynaha Maamulka goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole.

Afhayeenka Odayaasha dhaqanka iyo Midnimada beelaha Hawiye Nabadoon Axmed Diiriye Cali oo waraysi gaar ah siiyay Idaacadda Shabelle ayaa waxa uu si kulul u cambaareeyay hadalkii dhawaan kasoo yeeray Madaxweynaha Maamul goboleedka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Faroole kaasi oo barakacayaasha ka cararay Koofurta looga mamnuucay deegaanada Maamulkaasi.

Axmed Diiriye ayaa tilmaamay in hadalkaasi uu yahay mid nasiib daro ah maadaama sida uu tilmaamay shacabka ku dhaqan Koofurta iyo kuwa Puntland ay yihiin dad walaalo ah, isagoo tibaaxay in arintaasi aan aheyn mid loo baahanyahay.

Afhayeenka ayaa waxaa uu sidoo kale sheegay in Magaalada Garoowe ee Maamulka Puntland ay marar badan ka dhaceen shirar looga hadlayay xaaladda Soomaaliya, wuxuuna carabka ku dhuftay in shirkii ugu dambeeyay ee kusoo idlaaday Magaalada Garoowe iyo kuwa kale ee iminka lagu balansan yahay ay saameyn ku yeelan karto arintaasi, isagoo ka dalbaday Madaxda dowladda KMG ah in arrimahaasi ay il gaar ah ku eegaan.

Maalin ka hor ayay aheyd markii Madaxweynaha Maamulka Puntland C/raxmaan Sheekh Max’ud Farooel shir jaraa’id oo uu ku qabtay Magaalada Boosaaso uu ku sheegay in deeganada Maamulka Puntland aan lagu arki karin dad ka barakacay deegaanada Koofurta Soomaaliya kuwaasi oo uu sheegay inay qeyb ka yihiin ammaan darida ka taagan deegaanada Maamulkaasi.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Xayaysiis