Dagaalo culus iyo duqeymo is barbar socdo oo dad ay ku dhinteen ayaa xalay ka dhacay qeybo Muqdisho ka mid ah .
Dagaaladaan ayaa waxaa ay u dhaxeeyaan ciidamada dowlada oo kaashanaya ciidamada Midowga Africa ee AMISOM iyo Xarakada Alshabaab almujaahidiin .
Dagaalka iyo duqeymaha ayaa ka bilowday ka gadaal kolkii ciidamada Alshabaab ay weerareen fahdiisimo ay ku sugnaayeen ciidamada dowlada iyo kuwa AMISOM ,waxaana dagaalada iyo duqeymuhu xoogoodu ka dhacay xaafadaha dayniile iyo kaaraan ee goblka Banadir .
Sida ay wararku sheegayaan dagaalka ka dhacay dagmada kaaraan ayaa socday ku dhawaad 4 saacadood oo xiriir ah iyada oo dhinacyadu isku adeegsanayeen madaafiicda waaweyn iyo qoryahay lidka diyaradaha ,waxaana wararku intaa ku darayaan in madaafiicda BM-ka iyo kuwa kale qaarkood ay ku dhaceen goobo ka baxsan goobaha lagu dagaalamay ayna kudishay dad rayid ah .
dagaalada ayaa ka dhacay burka diikow,xaliimo hiite,keysanay ilaa deeganada kaaooyinka
In ka badan 10 Gantaal ayaa ku dhacay masjidka alhidaaya ee tabliiqa xaafada waxaracade dagmada heliwaa ee Gobolka banadir taasi oo qasaare dhimasho iyo dhaawacba leh u geysatay qaarka mid ahaa culumaaudiinka tablliqa kuwaas oo ku sugnaa gudaha masaajidka .
Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in ay dad rayid ay ku jiran haween iyo caruur ku dhinteen waxaana ka mid ahaa dadkii madaafiicda BM-ka ay ku habsadeen wiil uu dhalay Xildhibaan Cusman Cilmi Boqore oo horey u ahaan jiray xili gudoomiye ku xigeenka Golha barlamanka ilaa haatan inta la hubo ilaa 4 qof ayaa ku geeriyootay iyada oo tirade intaa ka badan karto iyo dhawacyo aan tiradooda la ogeyn ayna ka badan karto tiro intaas ka badan .
Iska horimaadkii xalay ee dagamada kaaraan ayaa dadka deegaanku sheegeen ii uu ahaa kii ugu xooga badnaa ee ka dhaca dagmadaas ,waxaana la maqlayey xalay oo dhan dhawaqa madaafiicda waaweyn iyo risaasta qoryahay lidka diyaradaha taasi oo cabsi iyo walwal galisay dadka deegaanka oo dhan .
Xaalada deegaanada lagu dagaalay ayaa haatan u muuqdo kuwo dagan waxaase xaafadaha qaarkood yaal meydad iyo dhaawacyo ay geysteen dagaaladii xalay ka dhacay deegaanada dayniile iyo kaaraan ee magaalada Muqdisho .
Shortlink: