Diyaaradaha dagaalka ee Kenya oo duqeeyey ceelcade iyo dhamase ee Gobolka Gedo

Wararka naga soo gaaraya gobolka Gedo, gaar ahaan deegaannada Ceel Cadde iyo Dhammase ayaa waxay sheegayaan in dagaalo iyo duqeymo culus ay ka dhaceen halkaasi, kaas oo u dhaxeeyey ciidamada Kenya oo taageeri ka helaya kuwa dowladda KMG iyo kuwa Raaskambooni oo dhinac ah iyo kuwa Xarakada Mujaahidiinta Al-shabaab oo dhinac ah.

Sida warku sheegayo dagaalka oo ay ka qeyb qaateen diyaaradaha dagaalka Kenya ayaa waxa uu bilowday ka dib markii ay ciidamada Xarakada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ay ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya ku lahaayeen deegaanada Ceel Cadde iyo Dhammase meelo aan sidaasi uga fogeyn, waxaana dagaalka la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, kaas oo socday ku dhawaad 2-saac oo xiriir ah. 

Warku wuxuu intaasi ku darayaa in dagaalka uu khasaare ka soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo dad rayid ah oo ku sugnaa deegaanada lagu dagaalamay, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in dagaalka uu soo gaaray saqdii dhexe ee xalay, la iskuna mari-waayey inkastoo dhinacyadii dagaalamay uu mid kasta dagaalka guul ka sheegtay inuu ka gaaray. 

Saraakiil u hadlay Xarakada Al-shabaab oo dagaalkaasi ka hadlay ayaa sheegay inay dagaalka ku dileen lix askari oo Kenyaan ah, hal gaarina ay ka gubeen ciidamada Kenya, mana sheegin saraakiishan u hadlay Al-shabaab khasaaraha dagaalka ka soo gaaray dhankooda, iyagoo xusay inaysan hadda jirin khasaare soo gaaray, haddii uu jirana ay dib ka soo sheegi doonaan.

Dhinaca Kenya iyo ciidamada Dowladda KMG ma jiro wax war ah oo weli ka soo baxay oo ku aadan dagaalkaasi oo ahaa mid aad u culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, sidoo kale lama oga cidda gacanta ku heysa goobihii lagu dagaalamay oo ay warar kala duwan ka soo baxayaan, iyadoo wararka qaar ay sheegayaan in goobihii lagu dagaalamay ay la wareegeen Al-shabaab, halka warar kalena ay sheegayaan in weli ay ku suganyihiin ciidamada dowladda KMG iyo kuwa Kenya oo isgarabsanaya.

 

Shortlink:

Posted by on January 10, 2012. Filed under A. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>