Imaraadka oo qabanaya shir ay ku jirto Xarakada Al Shabaab

Xafiiska Wasaaradda arrimaha dibadda ee dowladda Imaaraadka Carabta ayaa waxa ay sheegtay in ay qabaneyso bisha February shir weyne looga hadlaayo Xaalada dalka Soomaaliya kaasi oo ay ka soo qeyb galayaan wafuud heer caalami ah.

Ku xigeynka ergeyga Wasaaradda arrimaha dibadda u qaabilsan arrimaha geeska Afrika Anthony Safari oo saxaafadda ku lahadlayey magaalada Nairobi ayaa waxa uu sheegey in shirkaasi uu soconayo hal maalin oo qura, isagoo hoosta ka xariiqay in shirkaasi looga hadlayo sidii dalka Soomaaliya Nabad buuxda uga dhici laheyd.

“Imaaraadka Carabta waxa uu marti galinayaa shir weyn oo ay kasoo qeyb galayaan dhinacyada siyaasadda Soomaaliya isku hayo oo ay ku jirto Xarakada Al Shabaab taasi oo aan ku dooneyno in aan xal buuxa u helno xaaladda dalka Soomaaliya”sidaa waxa yiri Anthony Safari.

Imaaraadka carabta ayaa waxa ay sheegtay in caalamka uu u soo jeedsatay wax ka qabashada xaalada dalka Soomaaliya, iyadoo farta ku fiiqday in bisha soo socota oo kaliya wadama badan ay qabanayaan shir looga hadlayo Xaaladda dalka Soomaaliya.

Wadamada Ingiriiska iyo Kenya ayaa waxa ay horay u sheegeen in bisha February ee soo socota ay qabanayaan shirweyne looga hadlayo Xaaladda dalka Soomaaliya, waxaana la’ogeyn waxa shirarkasi ay ka badaleyso Xaaladda dalka Soomaaliya

 

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>

Xayaysiis