Isbaaro ay isku dileen Ciidamada Dowlada

Hal askari oo tirsan ciidamada DKMG ah ee Soomaaliya ayaa ku dhintay saddex qof oo shacab ahna way ku dhaawacmeen dagaal ciidammo kawada tirsan dowladda KMG ah ku dhexmaray xaafadda Tabakaayo Madow ee degmada Dharkeynley ee Muqdisho.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidammo ka tirsan booliiska degmadaas ay isku dayeen inay goobta ka qaadaan isbaaro gaadiidka lacago looga qaado oo ay dhigteen kooxo ku labisan dharka ciidamada dowladda KMG ah.

“Iskahorimaadku wuxuu billowday 9:00 aroornimo ee saakay, waxaana ku dhintay hal askari oo booliis ah, saddex qof oo shacab ahna way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri goobjooge ku sugan xaafadda uu dagaalku ka dhacay.

Goobjoogaha ayaa intaas ku daray in muddadii uu dagaalku socday uu hakad-galay isku socodka gaadiidka iyo ganacsiga xaafaddaas, iyadoo ciidamadii booliiska ahaa lagu qasbay inay goobta isaga tagaan iyagoo aan qaadin isbaaradii halkaas la dhigay.

Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ayaa dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay degmadaas ka qaaday isbaarooyin lacagaha looga qaadi jiray gaadiidka, kuwaasoo ay ka caban jireen dadka deegaanka iyo gaadiidleyda.

Maamulka degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaan wax hadal ah kasoo saarin iskahorimaadka ciidamadooda iyo kooxaha ku labisan dharka ciidamada ku dhexmaray degmadaas.

 

Shortlink:

Posted by on January 8, 2012. Filed under C. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

One Response to Isbaaro ay isku dileen Ciidamada Dowlada

  1. Maxamed daahir afrax

    A s c alaah u naxariisto shacabka soomaaliyed oo shalay lagu laaye hoteel muna ilaaheey janatul fardoowsa haka waraabiyo ilaahey haka qabto dhib wada yaasha iyo kuwa shegtay ciidan nimada oo lajiro al shabaab iyo al qaacidad kusoo duu shay wadan keen jahanamo ku dhaca idam ale kana saara al qaacidada israa iil iyo kuwa aan diinta alahen

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <strike> <strong>