Madaxweynaha dowlad Goboledka Puntland State C/raxmaan Maxamed Faroole ayaa ku dhawaaqay in ciidamadiisu ay dib xoog ugu celinayaan qof kasta oo labada gobel ee ay ka kooban tahay dowlad goboledkiisa kuwaas oo uu ku itlmaamay in ay caruurtii iyo xaasaskooda uga tagteen K/Somaliya iyana yihiin kuwo doonayo in ay qaraxyo iyo dagaalo kaga qeybgalaan Puntland .
Farole ayaa arintaan ka sheegay khudbad uu ka sanadguradiisii 3 aad xiligii loo doortay in uu madax ka noqdo puntland .
C/raxmaan Faroole wuxuu ku eedeeyey barakacayaasha K/furta Somaliya in ay safka hore uga jiraan falalka Amni daro ee soo wajahday cariga puntland wuxuuna hadalkiisa ku daray in ay xiriir dhow la leeyihiin xarakada Alshabaab dhaqaalana siiyaan .
Faroole ayaa wacad ku maray in uu dib u celinayo dadka ka soo jeedo K/furta Somaliya si ay dowlad goboleedka Puntland u hesho nabad iyo baraare isaga oo u tilmaamay barakacayaasha in hey,adda deeqda bixiya joogaan K/furta .
Ma aha markii ugu horeysay ee maamulka faroole dib u celiyo dad ka soo jeedo k/furta Somaliya ,waxaana jirey shacab badan oo shaqo doon ahaa kana xoogsan jirey gobolada puntland laga masaafuriyey halka ay haatan ku sugan yihiin xoogsato danyar ah kuwaas oo guryahoodii uga caray dagaalada iyo rabshadaha ka socdo gobolada k/furta .
Shortlink: