magaalo.com » admin

Amiirka Xarakada Al-shabaab oo markii ugu horeysay la wareytay (dhageyso)
hogaamiyaha_shababAmiirka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Mukhtaar C/raxmaan Abuu-Zubeyr oo wareysi siiyay idaacadda ku hadasha afkooda ee Al-Andulus ayaa sheegay in hadafkii loo aasaasay Al-shabaab ay tahay sidii dib loogu soo celin lahaa khilaafadii Islaamka iyo in sharciga Alle la isku maamulo.

Sheekh Abuu-Zubeyr wuxuu sheegay in manhajka Al-shabaab uu yahay Ahlusunna Waljamaaca, ayna ku joogaan jidkii saxaabada iyo culummadii kale ee ka dambeeyay.

“Hadaflka Al-shabaab loo aasaasay waa asal u ah soo celinta khilaafadii Islaamka, in diinta Islaamka la oogo iyo in laga hortago duulaanada looga horjeedo Islaamka ee ka jira dunida,” ayuu yiri Amiirka Al-shabaab.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in ahdaafta ay ka mid tahay in laga hortago ka hortaga xukuumada cilmaaniga ah, ummaddana lagu mideeyo diinta islaamka iyo in lasoo furto muslimiinta ku xiran xabsiyada.

“Waxaan hadafyadeenna ka mid ah in laga hortago kuwa doonaya inay ummadda boobaab si ay isugu fillaadaan. Runtiina ahdaaftaan qaarkood waa la xaqiijiyay kuwo kalena waa dhiman yihiin,” ayuu amiirku hadalkiisa raaciyay.

Dhanka kale, wuxuu mucaaraday maxkamadihii Islaamka ee awoodda kala wareegay Muqdisho hoggaamiye lala qaybsado xukuumaddii markaas jirtay ee C/llaahi Yuusuf.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay inay kala miirmeen oo ay kala baxeen iyaga iyo raggii uu sheegay inay doonayeen in xukuumadda wax lala wadaago, isagoo sheegay inay ku taagnaan doonaan dariiqa ay ku taagan yihiin illaa kooxeedyadii, isagoo sheegay in mas’uuliyiinta maxkamada ay ku jireen kuwo doonayay xilligaas in awoodda ahdaaftooda ay uga suuro-galayso.

Wareysigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo Amiirka Al-shabaab uu si toos ah u siiyo idaacadda ku hadasha afkooda, iyadoo Xarakada Al-shabaab oo ka talisa inta badan gobollada Koonfurta iyo bartamaha lagu eedeeyaa inay ku kacdo falal ka dhan bani’aadamnimada.

Shirkii Garoowe oo goor-dhow lasoo gabagabeynayo
Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee xarunta Puntland oo saddexdii maalmood ee lasoo dhaafay uu ka socday shir looga hadlayay dastuurka Soomaaliya iyo dib u habeynta baarlamaanka ayaa sheegaya in madaxda Soomaalidu ay heshiis ka gaareen qodob muran badan dhliyay kaasoo ku saabsanaa qaabka lagu soo xulayo xildhibaannada baarlamaanka.

Shirkan oo lagu waday in shalay soo gabgabeeyo ayaa waxaa hakad geliyay muran ka dhashay qaabka xulidda mudanayaasha baarlamaanka, iyadoo Puntland ay soo jeedisay in lagu soo xulo qaab deegaan, halka DKMG, Galmudug iyo Ahlusunna ay iyaguna soo-jeediyeen in lagu soo xulo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5-ka oo ay ku dhisan tahay dowladda KMG ah.

Madaxda Soomaalida ayaa la sheegay inay isku raaceen in la dhiso baarlamaan shaqeynaya muddo afar sano ah kaasoo lagu soo xulayo nidaamka 4.5-ka ah, muddadaas kaddibna ay dadku soo dooran doonaan xildhibaannada baarlamaanka, iyadoo Puntland oo nidaamkan kasoo horjeedday lagu qanciyay inay ku raado dhinacyada kale.

Dhinacyada Soomaalida ayaa waxay horay isugu raaceen in tirada xildhibaannada baarlamanaka laga dhigo 225-xubnood, halka ay hadda ka yihiin 550-xubnood, balse qaabka loosoo xulayo ayaa muran badan dhaliyay.

Tan iyo shalay waxaa socday kulammo lagu doonayay in lagu xalliyo muranka isla markaana ay hal fikir isugu raaci lahaayeen siyaasiinta Soomaalida, iyadoo la xusay in arrintan ay ku timid dadaal uu sakay billaabay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali oo ku qanciyay Puntland inay fikirkeedii ka tanaasusho.

Xafladdii gabgabeynta shirka ayaa lagu wadaa inay billaabato saacadaha soo socda laguna dhawaaqo war-murtiyeedkii ay dhinacyadu isku afgarteen, iyadoo shirkan uu daba socdo shir horay loogu qabtay Muqdisho oo laga soo-saaray heshiiska Roadmap.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo gaaray Waddanka Kuwait
Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu horkacayo ayaa gaaray dalka Kuwait saakay oo Axad ah, halkaasoo ay uga billaabanayso booqasho dhowr casho ah, isagoo ka duulay dalka Qatar oo uu ku sugnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Dajiraha Soomaaliya u fadhiya dalka Kuwati ayaa sheegay in socdaalka ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa uu la xiriiro sidii ay uga mahadcelin lahaayeen kaalmada ay dowladda Kuwait u fidisay shacabka Soomaaliyeed.

“Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisu waxay booqasho ugu tegi doonaan amiirka dalka Kuwait Sheekh Sabaax Al-Axmed, kaddibna waxay booqan doonaan xarunta bisha cas ee dalka Kuwait,” ayuu yiri danjiraha oo la hadlayay idaacada Radio Muqdisho oo ku hadasha afka dowladda KMG ah.

Danjiraha ayaan sheegin inta maalmood ee ay booqashada ra’iisul wasaaraha iyo wafdiga la socda ay qaadanayso, balse wuxuu sheegay inay sidoo kale kala hadli doonaan madaxda dalka Kuwait xiriirka u dhexeeya labada dal.

Wafdigan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu ballaarnaa ee ka socda Soomaaliya oo tan iyo markii ay burburtay dowladdii dhexe ee Soomaaliya 1991-kii ku taga dalka Kuwait oo ka mid ah dalalka Carabta.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa intii uu ku sugnaa dalka Qatar dhowrkii casho ee lasoo dhaafay wuxuu la kulmay madaxda dalkaas isagoo kala hadlay xiriirka labada dal u dhexeeya iyo kaalmooyinka ay siiyaan Soomaaliya, sidoo kale wuxuu la kulmay jaaliyadda Soomaalida ee dalkaas ku nool iyo ardayda wax ka barta

Ururka Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inuu Soomaaliya u diro Ciidamo Ethopian ah
Ururka Midowga Afrika ayaa qorsheynaya inuu Soomaaliya u diro kumannaan askarta Itoobiya ah si ay u furtaan aag cusub oo ay kala dagaalamaan Al-shabaab.

Dowladda Itoobiya ayaa horay ciidamadeedu waxay ugu jireen qaybo ka tirsan Soomaaliya, waxaase la sheegayaan in ciidamadan ay qayb ka noqon doonaan ciidamada AMISOM ee ka howlgala Muqdsiho.

Ururka Midowga Afrika ayaa waxaa kaga sugan Soomaaliya 9,000 oo askari oo ka socda dalalka uganda iyo Burundi, kuwaasoo dowladda KMG ah ka caawiya sidii ay isaga difaaci lahayd Al-shabaab una sugi lahayd ammaanka Muqdisho.

Saraakiisha dowladda Itoobiya ayaan ka hadlin qorshaha Midowga Afrika ee ku aaddan inay ciidamadooda ugu diraan Soomaaliya si ay uga mid noqdaan AMISOM, waxaase tani ay dhalin kartaa xiisado cusub oo soo dhexgala Soomaalya iyo Itoobiya.

Xukumadda Addis Ababa ayaa sannadkii 2006 u dirtay kumannaan askarteeda ah gudaha Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladdii Col. C/llaahi Yuusuf, waxaana ay dagaallo socday muddo laba sano ah la gashay midowgii Maxkamadaha Islaamka oo uu hormuudka u ahaa madaxweyne Sheekh Shariif.

Ra’iisul wasaaraha Itoobiya ayaa dhowr jeer oo hore sheegay inay diyaar u yihiin inay qayb ka qaataan xasilinta Soomaaliya haddii laga dalbado, wuxuuse sheegay inay jirin qorshe ay iyagu ku doonayaan inay ku galaan Soomaaliya mar kale.

Ciidamada Itoobiya ee faragelinta ku sameeyay Soomaaliya ayaa isaga baxay sannadkii 2009 markaasoo lagu soo dhisay dalka Jabuuti dowladda uu Sheekh Shariif madaxweynaha ka yahay.

Hadalkan ayaa wuxuu imaanayaa xilli ay dowladda Kenya sheegtay inay diyaar u tahay inay kumannaan askarteeda ah ku xoojiso ciidamada AMISOM ee Muqdisho ku sugan si xasilloonida Muqdisho loosoo celiyo.

Ra’iisul wasaare Abdiwali iyo wafdi uu hoggaaminayo oo dib ugu laabtay Muqdisho (SAWIRRO)
R’aiisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Maxamed Cali iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta oo Axad ah dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay soo guteen waajibaadka xajka ee sannadkan.

Wafdiga ra’iisul wasaaraha oo ay ku jireen wasiirro, xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan dowladda ayaa waxaa soo dhaweeyay xubno isugu jira xildhibaanno, wasiirro, fanaaniin, ciidan iyo xubno kale, kuwaasoo uu horkacayay ra’iisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha.

Dr. C/weli Gaas oo xirnaa koofiyad ayaa markii uu kasoo dagay diyaaraddii uu la socday wuxuu saxaafadda siiyay hadal kooban, isagoo sheegay inay si wanaagsan u soo guteen waajibaadka ayna dib ugu soo laabteen dalka.

“Waxay ahayd markii iigu horreysay oo aan xajiyo, isla markaana aan tago Maka iyo Sucuudi Carabiya, runtiina waxaan u soo duceeyay shacabka iyo dalka Soomaaliya si Alle uu dhibka uga saaro,” ayuu yiri ra’iisul wasaare C/weli Gaas.

Ra’iisul wasaaruhu wuxuu sheegay in intii uu ku sugnaa dalka Sucuudiga uu kulan la yeeshay madaxa bankiga Islaamka Dr. Axmed Maxamed Cali, uuna kala hadlay mashaariicda uu bankigu ka fulinayo Soomaaliya.

Ugu dambeyn, ra’iisul waasaruhu wuxuu gacan-qaaday dhammaan xubnihii kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, isagoo sheegay in Soomaalidii xajiyay sannadkan ay Alle ka baryeen inuu Soomaaliya kusoo celiyo nabad.

Ciidamada Midowga Africa oo soo foodsaartay dhaqaale xumi iyo qalab la’an
Mas’uuliyiin ka tirsan ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan Muqdisho oo dagaal kula jira Al-shabaab ayaa sheegay in lagu leeyahay lacag gaaraysa 10-milyan oo dollar, kaddib markii ay u dib dhaceen taageeradii dhaqaale iyo qalabkii ciidan ee ay heli jireen.

Saraakiil sarsare oo AMISOM ka tirsan ayaa sheegay in lacag la’aanta soo wajahday ay hoos u dhigtay horumarkii ay ka sameynayeen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, iyagoo sidoo kale xusay in dalalka ciidamada u soo diray Soomaaliya ay niyad-jab ka qaadeen mushaarta haysata ciidamadooda.

Cabshada dhaqaale la’aaneed iyo mid qalab ee AMISOM ayaa waxay imaanaysaa xilli ay ciidamada Midowga Afrika gacanta ku hayaan inta badan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale, saraakiisha u hadlay AMISOM ayaa sheegay in horay u dalbadeen in laga dhigo tirada ciidamada 12,000 oo askari, iyagoo sheegay in dhaqaale iyo qalab yaridu ay sababeen in dalalkii ciidamada soo diri lahaa ay ka gaabiyaan balanqaadii ay horay u sameeyeen.

“Miisaaniyadda loogu talogalay AMISOM sannadkan 2001 waxay gaaraysaa $472 milyan, waxaana inta badan lacagtaas loogu talogalay mushaar, gaadiid iyo looga howlgalo xeebaha,” ayay sheegeen saraakiisha ciidamada Midowga Afrika.

Afhayeenka AMISOM Col. Paddy Ankunda ayaa sheegay in dhaqaale iyo qalab ay helaan ay ugu dambeysay bishii Maarso ee sannadkan, illaa muddadaasna aysan helin ciidamada ka socda Burundi iyo Uganda wax mushaaraad ah.

“Inta badan sanaadiiqdeennu waa kuwo maran, waxaana tani ay dib u dhigtay howlgalladii socday,” ayuu yiri Col. Ankunda, oo intaas ku daray. “Uganda waxay diyaarisay 2,000 oo diyaar u ah in loosoo qaado Soomaaliya, balse ma haystaan wax qalab ah. Waayo ma jiro cid shaqeyn karta iyadoo fara maran.”

Dowladda Burundi ayaa sheegtay inay 1,000 oo dheeraad ah ay u dirayso Soomaaliya si ay uga qaybgalaan howgallada socda halka ay dallaka Jabuuti iyo Sierra Leone ay iyaguna sheegeen inay ciidammo u dirayaan Soomaaliya.

“Waddamo kale ayaa doonaya inay ciidammo u soo diraan Somaaliya haddii ay beesha caalamku bixiyaan dhaqaalaha iyo qalabka loo baahan yahay,” ayuu mar kale yiri afhayeenka AMISOM.

Ciidamada ku sugan Soomaaliya ee ku howgalaya magaca AMISOM ayaa waxay ka socdaan dalalka Uganda iyo Burundi tiradooduna waa 9,000 oo askari, iyagoo howl-galkooda billaabay sannadkii 2007, waxayna hadda gacanta ku hayaan inta badan Muqdisho

Afhayeenka Xarakada alshabaab oo sheegay inuu dagaal soconaayo hadii lalaayo
Afhayeenka Xarakada Al-shabaab, Sheekh Cali Maxamuud Raage oo boqolaal dad ah oo isugu jiray ciidamadooda iyo dadweyne kale kula hadlay degmada Dayniile ee duleedka Muqdisho ayaa fariin digniin ah u diray dalka Kenya, isagoo sheegay in dhibaatooyinka ay ka geysanayaan gobollada Koonfureed ee dalka ay ka aargudan doonaan shacabkooda.

Sheekh Cali Dheere, wuxuu sheegay in Kenya ay ugu baaqayaan inay faraha kala baxdo arrimaha Soomaaliya, sidoo kalena ay u wanaagsan tahay inay u daayaan dadka Soomaaliyeed diintooda iyo dalkooda, haddii kale ay ku khasaari doonaan duullaanka ay soo qaadeen.

“Kenyada xunta ah waxaan u sheegaynaa in haddii aysan joojin dhibaatooyinka ay ku hayaan dadka muslimiinta ah ee Soomaaliyeed ay dhibaatada iyo shalleygu ku dambeyn doono dadkooda,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in dhiigga muslmiinta aan la illaawi doonin.

Xukuumada Kenya ayaa waxay ciidamo fara badan soo gelisay gudaha Soomaaliya bishii hore, iyadoo sheegtay inay la dagaalamayso Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen falal isugu jira afduubyo iyo dilal ka dhacay gudaha dalka Kenya.

Dhanka kale, afhayeenka Xarakada Al-shabaab wuxuu sheegay in dagaallada ay wadaan ay socon doonaan xitaa haddii tobanaan iyo labaatameeyo hoggaamiye laga dilo Al-shabaab, wuxuuna intaas ku daray in dagaalku socon doonta inta diinta Islaamka laga gaarsiinayo meel walba oo dunida ah.

“Haddii tobannaan iyo labaatameeyo hoggaamiye la dilo dagaalku wuu soconayaa inta diinta laga gaarsiinayo meel kasta, oo ay ku jiraan Burundi iyo Uganda,” ayuu yiri Sheekh Cali Dheere oo sheegay in intii aan la dilin Macallin Aadan Xaashi Cayroow ay Al-shabaab kala tagi doonaan balse aysan taasi dhicin.

Ugu dambeyn, wuxuu sheegay in beeshiisa Murusade ay tahay mid difaacaysa diinta islaamka dhammaantoodna ay yihiin muslimiin. Dagaalyahannadii Al-shabaab iyo dadkii kale ee uu la hadlayay ayaa hadalkan si aad ah ugu riyaaqay.

Xasan Daahir Aweys:beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen ugu baaqay in ay Alle ka baqaan
Munaasabado ballaaran oo ay dadku ugu mashxaradayeen munaasabadda Ciidul Adxaa ayaa ka dhacday qeybo badan oo katirsan dalkeena Soomaaliya.

Kumanaan shacab ah ayaa isugusoo baxay fagaarayaal ku yaal degmooyinka Dayniile iyo Ceelasha Biyaha waxaana halkaasi salaadda Ciidda ku tujiyay mas’uuliyiin katirsan Shabaabul Mujaahidiin.

Barxadda Calamada ee Lafoole waxaa shacabka ku tojiyay Sheekh Xasan Daahir Aweys halka Dayniile uu shacabka ku tojiyay sheekh Cali Maxamuud Raage Cali dheere Afhayeenka Shabaabul Mujaahidiin.

Mas’uul sare oo katirsan Shabaabul Mujaahidiin ayaa talooyin iyo waano u jeediyay qaar katirsan beelaha Soomaaliyeed ee caanka ah kuwaasi oo sanadihii dambe la shaqeynayay Dkmg.

Sheekh Xasan Daahir Aweys oo kamid ah madaxda Mujaahidiinta Somaaliya in mudda ahna kusoo jiray dacwada iyo Jihaadka Soomaaliya ayaa beelaha Abgaal, Majeerteen iyo Ogaadeen ugu baaqay in ay Alle ka baqaan oo ay joojiyaan gaalada ay la shaqeeyaan.

Isagoo Kumanaan shacab ah kula hadlayay duleedka Muqdisho ayuu beelaha kor ku xusan ku Eedeeyay in ay gaalada lashaqeeyaan ayna ka hiiliyaan difaaca diinta Islaamka iyo ku dhaqankeeda.

Ugu Horeyn Beesha Abgaal ayuu sheegay in ay tahay beel dadkeeda ay Qur’aanka sifiican  u yaqaanaan kheyrna loo rejeynayo sidaasi oo ay tahayna ay dhan ubadatay oo ay lasoo shaqeysay Itoobiya hadane ay AMISOM iyo shariif Sheekh Axmed lashaqeyso.

“Abgaalow Ilaah ka baqa oo ka hara gaalada aad daba ordeysaan dadka Ahlu Qur’aan ah ayaan idinku ogeyn, Majeerteenow joojiyo gaalada cadawga ah ee aad la shaqeynaysaan” ayuu yiri Sheekh Xasan.

Mas’uulkan katirsan Mujaahidiinta ayaa beelaha Ogadeen in Majeerteen uga digay in ay cadawga shisheeye kusoo hogaamiyaan dalka Soomaaliya wuxuuna ku baaqay Alle ka cabsi iyo in dadka Muslimiinta ah allahooda lagu xiro oo aan Itoobiya iyo Kenya oo gaalo aan lagu xirin.

Beesha Ceyr ayaa dhawaan Heshiis taariikhi ah lagashay xarakada Shabaabul Mujaahidiin waxaana socda tartan ay beelaha Soomaalida ay diinka alle ugu gargaarayaan.

Diyaarado duqeyn ka geystay magaalada Kismaayo
Diyaarado nooca dagaalka oo aan heybtooda la aqoon ayaa goordhawayd duqeyn ka geeystay goobo dhowr ah oo katirsan  magaalada Kismaayo. Goobaha ay diyaaradaha duqeeyeen ayaa waxa kamid ah dakadda caalamiga ah ee magalaada Kismayo iyo saldhigga dhexe ee magaalada.

Diyaaradaha ayaa la sheegay in ay ka yimaadeen dhanka jaziiradaha ku yaal dhanka koonfur galbeed ee gobolka Jubbada hoose, iyadoona dhowr gantaal ku garaaceen Saldhigga Dhexe ee magaalad iyo dakadda gudaheeda gaar ahaan meesha loo yaqaan indhobararka ee afaafka hore ee dakadda.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan Magaalada Kismaayo ayaa HOL u xaqiijiyay duqeynta, isagoona sheegay in ay duqeynta si ba’an uga dhacday dakadda Caalamiga ah ee magaalad Kismaayo. Gantaallada ay ridayeen dayuuradaha ayaa siweyn looga maqlayay guud ahaan magaalada Kismaayo, lamana oga ilaa imika qasaaraha rasmiga ah ee ay geysteen duqeymahaasi.

Ma jiraan masuuliyiin katirsan maamulka degmada Kismaayo oo ka hadlay duqeymahaasi, waxaana mar qura ay cabsi lasoo darastay shacabka ku dhaqan magaalada Kismaayo oo iyagu laga dareemayo cabsi aad u weyn.

Duqeymahani ayaa kusoo beegmaya xilli deegaanada Jaziiradaha ee gobolka J/hoose ay soo buuxdhaafiyeen maraakiib dagaal oo ay leedahay dowladda Kenya, kuwaa oo la sheegay in ay qeyb ka yihiin howlgallada ay dowladda Kenya ka wado gobollada Jubooyinka.

Wixii wararkaasi kusoo kordha dib ayaan idinka soo gudbin doonaa insh’allaah

DHAGEYSO Kalmadda Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin Shiikh Abuu Zubeyr Xafidahullaah,
Dilkii Qadaafi iyo Xasuuqii Brundi_ Sheikh Abu Zubeir

Idaacadda Andalus eek u hadasha Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa goor dhaweyd baahisay hadal uu jeedinayay Amiirka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Sheekh Mukhtaar C/Raxmaan Abu Zubeyr, iyadoona uu ka hadlay arrimaha ka taagan dalka Somaliya.

Sheekh Abu Zubeyr ayaa hadalkiisa ku bilaabay hanbalyo ku socota labada shacab ee Muslimka ah ee Libya iyo Somaliya, iyadoona reer Libya uu ku bogaadiyay in Khamiistii ay laabeen safxaddii mugdiga badneyd ee taliskii Mucamar Al-Qaddaafi ka gadaal markii lagu dhawaaqay in Qaddaafi la dilay.

Wuxuu sidoo kale ugu hanbalyeeyay shacabka Somaliyeed xasuuqii isla maalintaa loo geystay Ciidamada shisheeyaha ee ka socda Burundi, kuwaasi oo ku hoobtay dagaallo xoog leh oo ka dhacay degmada Dayniile.

Amiirka Mujaahidiinta Somaliya wuxuu duco u mariyay shacabka degmada Dayniile iyo reerka halkaasi dega, isagoona u duceeyay meel waliba oo ay joogaan kuna amaanay qaabkii ay kaga qeyb qaateen dagaalkii adkaa ee ka dhacay degmada Dayniile, ee sida ba’an loogu xasuuqay shisheeyaha.

Waxaa sidoo kale uu ku dhawaaqay Abu Zubeyr heegan buuxa in la geliyay dhamaan Wilaayaadka dalka Somaliya si looga warceliyo duulaanada iyo shirqoolada ka dhanka ah Shareecada Islaamka ee ay wadaan dawladaha dariska qaarkood, iyagoo ka qeyb qaadanaya dagaalka Saliibiyada Caalamiga ah ee lagu soo qaaday Somaliya.

Amiirka Mujaahidiinta Somaliya wuxuu xusay in cadowga ay maalmihii la soo dhaafay sheegayeen hadallo riyo uu ku tilmaamay oo ku aadan in dalka Somaliya ay gaaladu ka taliyaan, balse wuxuu dhaar kui maray amiirku in mudada dhaw Somaliya cirif ka cirif in uu ka talin doono Sharciga Islaamka, isagoona ku sii daray dhaarta in xukum aan Islaam aheyn in aanu ka talin doonin Somaliya.

Ugu danbeyn wuxuu Sheekh Abu Zubeyr cadeeyay Somaliya in ay gundhig u noqon doonto Khilaafada Islaamka iyo soo laabashadeeda, isagoona adkeeyay Jihaadka Somaliya in aanu joogsan doonin ilaa laga xaqiijiyo hadafkii ALLAAH jihaadka uu u jideeyay oo ah ‘’In Fitno la waayo, oo ALLAAH kaliya dhulka lagu caabudo’’.