magaalo.com

Dr Ayman Al-Zawahiri oo dusha ugu tuuray cambaareen Madax weyne Sh Shariif
Hoggaamiyaha Al-Qaacida, Dr Ayman Al-Zawahiri oo Internet-ka soo diray cajalad maqal iyo muuqaal ah ayaa kula taliyay Al-shabaab in dagaalkooda ay u bedelaan qaab jabhadeyn ah ayna la dagaalamaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa kale ee ku sugan Soomaaliya.

Cajaladda oo ahayd mid soconaysay muddo toddoba daqiiqo ah ayuu ku sheegay Al-Zawahiri in Al-shabaab aysan wax cabsi ah gelin duqeynta ay diyaarada dagaalka ee Mareykanka ay ka geysanayaan Soomaaliya.

“Dagaalka aad kula jirtaan ciidamada DKMG ah iyo kuwa kale ee gacanta siinaya waa inaad sii waddaan idinkoo adeegsanaya qaab jabhadeyn ah, ayuu Al-Zawahiri ku sheegay fariinta uu u soo diray Al-shabaab.

Hoggaamiyahan ayaa wuxuu sidoo kale kula taliyay Al-shabab inay ka hortagaan heshiisyada nabadeed ee la wado, isagoo sheegay in heshiisyadaas ay yihiin kuwo lagu hagar-daameynayo Soomaaliya.

“Dhallinyarada Soomaaliyeed (Al-shabaab) ha dhigina hubkiinna, waana inaad dagaalantaan,” ayuu yiri ayuu yiri Al-Zawahiri. oo intaas ku daray: “Haka welwelina duqenta Mareykanka, waayo horay ayuu ugu guuldarreystay duqeymihii uu ka geystay dalalka Vietnam, Ciraaq iyo Afgaanistaan, midda Soomaaliyana wuu ku guuldarreysanayaan.”

Ugu dambeyn, Hoggaamiyaha shabakadda Al-Qaacida, Sheekh Al-Zawahiri wuxuu cambaareeyn dusha uga tuuray madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed isagoo ku tilmaamay Abraha casriga ah ee dunida Islaamka.

Shabakadda Al-Qaacida iyo Xarakada Al-shabaab ayaa waxay horraantii sannadkan si rasmi ah ugu dhawaaqeen inay midoobeen, taasoo sare u qaadday walwalka ay dunidu ka qabto in Al-shabaab ay dagaalkeeda ku baahiso dalalka Afrika oo dhan.

Soomaalida Minnesota oo Bangiyo ku hor bannaan-baxay
Banaan baxaan oo salaaddii jimcaha kadib ka dhacay iridda hore xarunta weyn ee bangiga Wellsfargo ku leeyahay bartamaha magaalada Minneapolis ee Gobolka Minnesota, ayaa waxaa ka soo qeybgalay boqolaal Soomaali ah, oo ka gadoodsan wada-shaqeyn la’aanta bangiyada iyo xirnaashaha xawaaladaha Soomaalida.

Waxaa Soomaalida kala qaybgalay dibad-baxaan hogaanka bulshada rayidka ah, culumada, hay’adaha difaaca xuquuqda shaqaalaha iyo qaar ka mid ah bulshooyinka kale ee ku dhaqan Gobolkaan Minnesota, kuwaasi oo Soomaalidii isku soo baxday kala qeyb-qaadanayey dalabaadkooda ku aadan in dib loo furo xawaaladaha.

“Waxaa maanta halkaan isugu yimid ilaa kun qof oo isugu jira dadyow kala duwan oo ka kala socda bulshooyinka kala duwan ee gobolka ku dhaqan, ujeedkayagu waxaa uu ahaa in aan ka xun nahay cuna-qabataynta bangiyadu ku hayaan xawaaladaha Soomaaliyeed,” sidaasi waxaa ii sheegay  Maxamed Nuur ”Sadiq”  oo ah madax xawaalada Dahabshiil ee Gobolka Minnesota oo ka qaybgalay dibadbaxa.

Intii uu socday isku soo baxaan ay maanta dhigeen Soomaalida ku dhaqan gobolka Minnesota ayaa waxaa xirmay wadooyin dhowr ah oo ku yaala bartamaha magaalada Minneapolis, waxaana dadkii ka soo qaybagalay ay ku dhawaaqayeen irayo ay ku muujinayaan sida ay uga xun yihiin xirnaashaha xawaaladaha, oo ah dariqa dadka Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankaan Mareykanka ay mariyaan gunooyinka ay u diraan ehelada iyo asxaabtooda ay kaga soo tageen gudaha wadanka iyo waliba wadamada dariska la’ah Soomaaliya.

“Marnaba ma aqbali karno in banhiyadu ay maamulaan dhaqaalaha dadka shaqeeya ee Mareykanka ku dhaqan, islamarkaasna aysan u oogalaan in ay dhaqaale u diraan ehelkooda ku dhibaataysan gudaha wadanka Soomaaliya, waxaana iyaga oo arintaasi ka gadoodsan maanta koontooyinkii ay ku lahaayeen Wellsfargo xiray dad badan oo Soomaaliyeed oo diidan tilaabada Bangiyada,” ayuu yiri Cabdi-Casiis Dhoore, oo ka tirsan Xawaalada Tawakal.

Franklin Bank, oo ahaa bangigii ugu dambeeyey ayaa dabayaaqadii sanadkii la soo dhaafay xiray koontooyinka 15  xawaaladood oo ka shaqeynayey gobolka Minnesota, isagoo sheegay in uu ka cabsi qabo in ay saameyn ku yeelato qaar ka mid lacagaha xawaaladuhu ay u diraan geeska Afrika gaar ahaan Soomaaliya, oo aan si dhab ah loo garan-karin gacanta ay ku dhacayaan, waxaana ay taasi sababtay in ay xirmaan inta badan xawaaladaha Soomaalida ee ka shaqeyn jiray Gobolka Minnesota.

“Dowladda Mareykanka dhinaceeda xawaaladahu waa sharci waana ay ka shaqeyn karaan, hase ahaatee sharciyo adag oo uu Mareyakanku ku soo rogay lacagaha dibada uga baxaya wadanka wixii ka dambeeyey  11-kii semtember, markii qaraxyada argagixiso ay dhaceen, ayaa sababay in ay bangiyadu joojiyaan wadashaqeynta Xawaaladaha, iyagoo cudur-daar ka dhiganaya sharciyadaasi, lacagaha xawaaladuhu diraanna waxaa ku nool malaayiin Soomaali ah oo ku nool geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya,” ayuu yiri Cabdi-casiis Sugule, oo mudo ka shaqeynayey arrimaha Xawaaladaha

Ra’iisul wasaare Abdiwali ayaa ka dalbay Maxkamada in lasoo daayo ilaaladiisa
Ra’iisul wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, C/weli Maxamed Caliayaa ka dalbaday guddoomiyaha maxkamadda ciidamada Qalabka sida ee DKMG ah inuu sida ugu dhaqsiyaha badan xorriyadooda ugu soo celiyo ilaaladiisa qaarkood kuwaasoo u xiran tuhun la xiriira qaraxii ka dhacay horraantii bishii hore Tiyaatarka Muqdisho.

Qaraxaas oo ay ku dhinteen toddoba qof ayna ku dhaawacmeen in ka badan 25-qof oo ay ku jireen suxufiyiin ayaa waxaa geysatay gabar dhallinyaro ah, taasoo laga shakisan yahay sidii ay kusoo gashay Tiyaatarka oo ay ka socotay xuska sannad-guuradii koowaad ee kasoo wareegtay dib u howgelintii Telefishinka Soomaaliya.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa qoraalkiisan codsiga ah oo soo baxay Arbacadii lasoo dhaafay, wuxuu ku sheegay in isagoo tixgelinaya howsha guddiga baarista qaraxii tiyaatarka isla markaana eegaya xuquuqda uu muwaadinta uu codsanayo in haddii aanay jirin dambi dadkaas lagu horgeynayo maxkamad xorriyadooda dib loogu soo celiyo.

Xubnaha uu ra’iisul wasaaruhu dalbanayo in xorriyadooda loosoo celiyo ayaa waxay magacyadoodu kala yihiin:

G/sare, Maxamed Cabdi Qaybdiid

G/lle, Maxamed Daahir Cabdulle

Dhamme, Cabdiweli Maxamed Ilig

Dable, Cabdi Yaasiin Cali

Dable, Qadro Daahir Xalane

Cismaan Ibraahim Macallin Cali

Maxamed Faarax Cali iyo

Cabdfiitaax Cali Xasan

Dhammaan dadkan oo la xiray bartamihii bishii hore ayaa waxay ku xiran yihiin xabsi ay leeyihiin ciidammada nabadsugidda DKMG ah oo ku dhow madaxtooyada iyadoo aan weli wax maxkamad ah lasoo taagin.

Qoraalka ra’iisul wasaaruhu uu ku dalbanayo sii daynta xubnahan ilaaladiisa ka mid ahaa ayaa wuxuu soo saaristeeda u cuskaday qodobbada dastuurka ee kala ah: qodobka 16-aad farqaddiisa labaad iyo lixaad, qodobka 17-aad farqaddiisa labaad xarafka A, qodobka 48-aad, 52-aad iyo 53-aad.

Maareeyihii Dekedda Muqdisho oo xilkii laga qaaday
Madaxweynaha Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xilkii ka qaaday maareeyaha dekedda Muqdisho, Sayid CaliMacallin Cabdulle oo muddo hal sano ah xilkaas hayay.

Xil ka qaadistan ayaa timid kaddib markii madaxweynaha iyo mas’uulkan ay kulan ku yeesheen xarunta madaxtooyada Soomaaliya, iyadoo aanay jirin cid kale oo xilkan loo magacaabay.

Lama sheegin sababta keentay in xilka laga qaado maareeyaha, balse warar hoose ayaa sheegaya inuu tanaasul sameeyay, kaddib markii mid ka mid ah beelaha Muqdisho ay dalbatay in dekedda loo dhiibo.

Mas’uulkan xilka laga qaaday ayaa waxaa sannadkii hore u magacaabay xilkan madaxweyne Sheekh Shariif, iyadoo maareeyihii hore ee dekedda uu aqbalay xil ka qaadista.

Dekedda weyn ee Muqdisho ayaa ah goobta ugu muhiimsan ee uu dowladda KMG ah kasoo galo daqliga ay ku shaqeyso, mana ahan markii ugu horreysay oo maareeye deked laga qaado xilka, balse waxaa horay looga qaaday xilka maariyihii hore Cabdi Jiinoow Calasoow oo muddo sannado ah xilkaas hayay.

Warar xaqiiqa oo aan helnay ayaa sheegaya in madaxweynaha dowladda KMG ah ee Soomaaliya lagu wado inuu sida ugu dhaqsiyaha badan jagada u buuxiyo, inkastoo aan la ogeyn cidda uu u magacaabayo, sidoo kalena aysan jirin mas’uul u sharraxan oo la ogyahay.

Sheekh Aadan Madoobe oo sheegay inay Wadahadallo kula jiraan Xarakada Al-shabaab
Xildhibaan Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo shalay kasoo laabtay dalka Itoobiya oo ay safar ku joogeen isaga iyo xildhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade haddana ku sugan degmada Xudur ee gobolka Bakool ayaa sheegay inay wadahadallo hoose kula jiraan xubno ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Sheekh Aadan Madoobe ayaa hadalkan ku sheegay wargeysi uu siiyay VOA-da isagoo diiday inuu sheego magacyada xubnaha uu kula jiro wadahadalka, balse wuxuu ku adkeystay inay wadahadalka wadayaan inta ay natiijo ka gaarayaan.

“Ma doonayno inaan hadda sheegto xubnaha aan wadahadalka kula jirno, waayo waxaan ka baqaynaa in waxyeello loo geysto,” ayuu yiri xidlhibaanka oo ku sugan degmada Xudur ee xarunta gobolka Bakool.

Wadahadalladan ayuu sheegay inay xudun yihiin sidii nabad loogu soo dabbaali lahaa gobollada Bay iyo Bakool, isagoo sheegay in dhawaan ay rajeynayaan inay ku tagaan degmada Baydhabo oo 180-km u jirta degmada Xudur gadiid, ayna ka bixi doonaa inay diyaarado isaga raacaan labada degmo oo aad isugu dhow.

Xidlhibaanka ayaa mar uu ka hadlay socdaalkii ay ku tageen dalka Itoobiya ayaa sheegay inuu ahaa mid looga xaajoonayay sidii loo sii wadi lahaa howgallada looga horjeedo Al-shabaab ee ka socda gobollada Bay iyo Bakool.

“Markii aan ogaannay in Al-shabaab aysan la dagaalamayn ciidamada Itoobiya oo ay isaga baxayaan magaalo walba si ay hadhow u soo weeraraan goobaha ay ka baxaan ciidamada Itoobiya ayaan go’aansannay inaan Itoobiya tagno si aan ugu boorrinno madaxda dalkaas in howgallada ay wadaan ciidamada Itoobiya ay sii socdaan,” ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Degmada Xudur ayaa waxay ka mid tahay degmooyinkii ay ciidamada DKMG ah oo garabsanaya kuwa Itoobiya ay ka qabsadeen xoogagga Al-shabaab horraantii sannadkan, inkastoo degmooyinka kale ee gobolkaas ay weli gacanta ku hayso Al-shabaab.

Dagaal culus oo Gobolka Jubbada hoose ku dhexmaray Xooggaga Huwanta iyo kuwa Xarakada Al-shabaab
Ciidamada dowladda KMG ah, kuwa Raaskaambooni iyo kuwa Kenya oo is garabsanaya iyo Xarakada Al-shabaab ayaa wuxuu dagaal culus xalay ku dhexmaray degmada Badhaadhe ee gobolka Jubada Hoose, dagaalkaa oo socday muddo saacado ah.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Dagaalyahanno katirsan Al-shabaab ay weerar xooggan ku qaadeen saldhig ay ciidamada huwanta ah ku lahaayeen degmada Badhaadhe ee Gobolka Jubada Hoose, waxaana labada dhinac halkaasi ku dhexmaray dagaal aad u xooggan.

Sarkaal ka gaabsaday magaciisa oo katirsan dhaqdhaqaaqa Raaskaambooni wuxuu ii sheegay in weerarka ay soo qaadeen Al-shabaab, wuxuuna sheegay in ay u geysteen qasaarooyin lixaad leh islamarkaasina ay ka dileen ilaa afar katirsan Dagaalyahannadooda kuwaasoo uu sheegay in ay meydadkooda uga carareen duleedka degmada Badhaadhe.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ay dib ugu celiyeen halkii ay markii hore kasoo duuleen, waxa uunta intaa ku daray in dhankooda aysan jirin wax qasaaro ah oo kasoo gaaray dagaalkii xalay ka dhacay degmada Badhaadhe.

Dhanka Xoogagga Al-shabaab ilaa imika ma jiro wax war ah oo ku saabsan dagaalkii xalay, Ilaa imikana ma cada qasaaraha rasmiga ah ee labada dhinac kala gaaray.

Dagaalkani ayaa qeyb ka ah weerarro gaadmo ah oo mudooyinkii u danbeeyay ay xoogagga Al-shabaab la beegsanayeen saldhigyada ay ciidamada huwanta ah ku leeyihiin goobaha ay ku suganyihiin ee gobolka Jubada Hoose.

Xoogagga Al-shabaab ayaa saakay la wareegay idaacadda Markabley ee Baardheere
Xoogagga Al-shabaab ayaa saakay la wareegay idaacadda Markabley oo ahayd mid madaxbannaan oo muddo dheer ka howl-galaysay magaalada Baardheere ee gobbolka Gedo oo Al-shabaab ka taliso.

Arroornimnadii hore ee saakay iyadoo shaqaalaha Idaacaddu ay isku diyaariyeen jadwal maalmeedka idaacadda ayaa waxaa gudaha u galay ciidammo aad u fara badan oo ka socda xafiiska warfaainta ee Xarakada Al-shabaab kuwaasoo kj amray maamulka iyo shaqaalaha Idaacadda inay soo wareejiyaan idaacadda ayna meesha isaga baxaan.

Dad goobjoogayaal ah ayaa inoo xaqiijiyay in ciidammo uu hor kacayo Barre Qooje oo ah gudoomiyaha Maamulka degmada Baardheere iyo masuulka dhanka warfaafinta u qaabilsan Al-shabaab ee gobolka Gedo Xasan Buuley inay si xoog ah saaka ku hor istaageen howlihii shaqo ee Idaacadda Markabley.

Warar kale oo ay dad goobjoogayaal ah inoo xaqiijiyeen ayaa tibaaxaya in Ciidamada saaka la wareegay Idaacadda Markabley ee Baardheere ay u hanjabeen Maamulka iyo Shaqaalaha kadib markii ay ka dhaga adeergeen amar culus oo ay xoogagga Al-shabaab saaka kula wareegeen Idaacadda Markableey.

Maamulka Idaacadda oo aan la xariirnay ayaa gabi ahaanba ka gaabsaday inuu faah faahin ka bixiyo sababta keentay in Idaacadda Ilbaabada la isugu dhufto.

Ilaa imika ma jiraan masuuliyiin katirsan xoogagga Al-shabaab oo ka hadashay la wareegidda Idaacadda Markabley iyo weliba waxa kusoo beegay xilligan, maadaama ay hore idaacaddu ugu ogolaadeen in ay ka howlgasho gobolka.

Ma ahan markii ugu horeeysay oo maamulka Al-shabaab ay ilbaabada isugu dhuftaan idaacad ka mid ah laamaha madaxa bannaan ee warfaafinta, waxaana jirtay in ay hore sidan oo kale u xireen idaacado dhowr ah oo ka howlgeli jiray qeybo katirsan gobollada koonfureed ee ay gacanta ku hayaan.

Kaniisad ku taalla Magaalada Nairobi oo lagu Weerar Bam-gacmeed
Booliiska dalka Kenysa ayaa sheegay in ugu yaraan hal qof uu ku dhintay 10-qof oo kalena ay ku dhaawacmeen bam-gacmeed maanta oo Axad ah lagu weeraray kaniisad ku taalla bartamaha magaalada Nairobi ee dalka Kenya.

Weerarkan ayay saraakiisha booliiska Kenya waxay mas’uliyaddiisa ku eedeeyeen Xarakada Al-shabaab, waxaana xilliga weerarku dhacay ku sugnaa dad masiixiyiin ah oo ku cibaadeysayay.

“Hal qof ayaa dhintay, toban qof oo kalena way ku dhaawacmeen,” ayuu yiri afhayeenka booliiska Kenya, Eric Kiraithe, iyagoo sheegay in kuwii weerarka ka dambeeyay ay baxsadeen.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda tahay weerarkaas, iyadoo saraakiisha Kenyan ay sheegeen in weerarkan uu jawaab u yahay faragelinta ay ciidamada Kenya ku sameysay dalka Soomaaliya bishii Oktoobar ee sannadkii hore.

Bishii Maarso ee sannadkan ayaa bambooyin lagu weeraray goob basaska laga raaco oo ku taalla bartamaha Nairobi waxaa ku dhintay lix qof, iyadoo ay dhaawacyo kasoo gaareen 60-qof oo ka mid ahaa dadkii basaska sugayay.

Sidoo kale, bishii lasoo dhaafay hal qof ayaa ku dhintay 20-kalena dhaawacyo ayaa kasoo gaaray bambaabooyin lagu weeraray kaniisad iyo goob ay ku sugnaayeen dad masiixiyiin ah oo ku taalla magaalada Mombassa ee dalka Kenya iyo magaalo ku dhow.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii safaaradda Mareykanka ee Nairobi ay ka digtay weerarro qaraxyo ah ka dhici karaan magaalada Nairobi kuwaasoo ay sheegtay inay ka geysan karaan xoogagga Al-shabaab.

Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa dhaliil u soo jeedisay dastuurka cusub ee Soomaaliya
Hay’adda culumada Soomaaliyeed ayaa dhaliil u soo jeedisay dastuurka cusub ee Soomaaliya; iyadoo sheegtay inuu yahay mid dayacaya diinta iyo dalka isla markaana aan la jaanqaadi karin wayiga ka jira dalkeenna.

Bayaan ay hay’addu soo saartay maanta oo Sabti ah ayay sidoo kale ku xustay in xubnaha hormuudka ah ka ah qoraalka dastuurka aysan ku imaan habkii lagu talogeliyay qaybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed.

“Qabo-qoraalka dastuurka waxaa hormuud ka ah hay’ado iyo shakhsiyaad ajnabi ah maadaama ay iyagu yihiin kuwa maalgelinaya,” ayaa lagu yiri bayaanka ay soo saartay ha’yadda culummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, bayaanka waxaa lagu xusay in culummada Soomaaliyeed ee dalka iyo dibadda ku firirsan laga tagay oo aan laga talogelin; taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid ula-kac ah oo loogu talo-galay si loo marin habaabiyo ummadda Soomaaliyeed.

Hay’addu waxay sheegtay inaan talo laga weydiin qoraalka dastuurka shacabka Soomaaliyeed iyo gobollada dalka oo dhan, taasoo ay ku sheegeen inay tahay mid huwan aqoonsiga kala go’a Soomaaliya iyagoo taas ku sheegay mid khatar ah.

“Xalka Soomaaliya kuma imaan karo qoraallo lagu muransan yahay ee bulshadu waxay u baahan tahay dib-u-heshiisiin, kalsooni dhisid iyo maamul hagaagsan. Sidoo klae blushadu waxay u baahan tahay in la siiyo fursad ay ku doorato habka ugu habboon ee ay ku dejisay karto dastuur ka tarjumaya himiladeeda, ilaalinayana dalkeeda iyo diinteeda,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’addu ay soo saartay.

Hay’adda culummadu waxay si aad ah u dhaliishay cutubyo dastuurka ku jira kuwaasoo kala ah: cutubka 1-aad, qodobbadiisa 1-aad iyo 2-aad, cutubka 2-aad, cutubka 3-aad, cutubka 8-aad, cutubka 9-aad, cutubka 11-aad iyo cutubka 16-aad.

“Waxaa layaab leh in qodobbada aan la bedelin karin lagu daray in haweenku ay ka mid noqon karaan dhammaan hay’adaha dowladda, iyadoo qodobbada la bedeli karo lagu daray kuwa la xiriira diinta oo ku yaalla cutubka koowaad, qodobkiisa labaad,” ayaa lagu yiri bayaanka hay’addu soo saartay.

Ugu dambeyn, hay’addu waxay ugu baaqday dowladda KMG ah, beesha calaamka iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed in la joojiyo mashruuca lagu ansixinayo dastuurka inta laga saxayo qodobbada ay culummadu dhaliileen, dadka Soomaaliyeedna fursad loo siiyo inay ka qaybgalaan habka lagu jaan-goynayo mustaqbalkooda dowladeed.

Hay’adda culummadu waxay soo jeedisay in isbedel mug leh lagu sameeyo axdi qarameedka KMG ah si waafaqsan shareecada islaamka, iyadoo loo noqnayo dastuurkii 1960-kii oo ah kii ay dadka Soomaaliyeed afti xor ah ku ogolaadeen.

Ganacsatada Soomaaliyeed ee Alaabooyinka geeya Gobolka Waqooyi Bari ee Kenya
Ciidamada milateriga Kenya ayaa dhawaan gacanta ku dhigay gaadiid shixnado ganacsi u siday gobolka Waqooyi Bari Kenya, kaasoo ay lahaayeen ganacsato Soomaaliyeed, waxaana gaadiidkaasi ay ka kala yimaadeen magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Gaadiidka ay ciidamadu gacanta ku dhigeen ayaa ah ilaa afar gaari oo ah nooca loo yaqaan Inatareega, waxayna sideen shixnado ganacsi oo isugu jira Sokor, Bagaash iyo Dawooyin.

Gaadiidkani ayaa waxa ay ciidamadu ka qabteen Soohdinta ay Kenya la wadaagto Soomaaliya ee dhanka Jubooyinka, waxaana wadeyaashii gaadiidka iyo dadkii saarnaa loo taxaabay Xabsi.

Mid kamid ah Ganacsatadii uu gaadiidka u rarnaa oo HOL u waramay ayaa sheegay in Wadeyaashii iyo rakaabkii saarnaa gaariga la geeyay magaalada Garissa ee xarunta gobolka Waqooyi Bari Kenya, halkaasina lagu maxkamadeeyay, wuxuuna sheegay in maxkamaddu ay go’aamisay in wixii qaxooti ahna dib loogu celiyo Xerooyinka kuwa kalena loo masaafuriyo Soomaaliya.

“Maxkamaddu ma aysan ka hadlin sidii laga yeeli lahaa gadiidka iyo shixnadaha ganacsi ee saaran, ilaa hada gaadiidka waxa gacanta ku hayo ciidamada MIlitariga Kenya, wayna diideen in ay sii daayaan” ayuu yiri mid kamid ah Ganacsatadii uu u rarnaa gaadiidka oo ku sugan Xerooyinka Dhadhaab kana gaabsaday in magaciisa la xigto.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadu ay dhibaato ba’an ku hayaan ganacsatada iyo weliba dadka qaxootiga ah ee doonaya in ay soo gaaraan xerooyinka Dhadhaab.

Shixnadaha Ganacsi ee saarnaa gaadiidka ayaa waxa lahaa ganacsato Soomaaliyeed, oo ku kala sugan magaalooyinka Muqdisho, Kismaayo iyo Dhoobleey, waxaana ilaa imika hantidoodii gacanta ku hayo MIlitariga Kenya.

Gadiidkani Ganacsi ee ay Militariga Kenya gacanta ku dhigeen ayay ku eedeeyeen in ay sideen Kontorbaan, islamarkaasina ay doonayeen in ay si sharci darro ah ku galaan dalka Kenya.

Dowladda Kenya ayaa siweyn u adkeeysay soohdinta ay la wadaagto Soomaaliya, iyadoona gaadiidka ganacsi iyo kan rakaabka ee isaga kala goosha dalalka Kenya iyo Soomaaliya ay dhibaatooyin ba’an kala kulmaan ciidamada ilaalada Soohdinta, kuwaasoo kula kaca xarig, jirdil iyo weliba lacago laaluus ah oo mararka qaar ay ka qaataan si ay u siidaayaan dadka iyo gaadiidkaba.

Arintani ayaa kusoo beegmeysa xilli dabayaaqadii bishii aynu soo dhaafnay diyaaradaha Kenya ay duqeyn u geysteen gaadiid ganacsi oo ka yimid dhanka Soomaaliya islamarkaasina ku wajahnaa xerooyinka Dhadhaab, iyadona duqeyntaasi ay burburisay mid kamid ah gaadiidka iyo wixii saarnaa, waxaana sidoo kala ay wayeelo kasoo gaareen dadkii saarnaa gaadiidkaasi