Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Marwada: Aamina Waris waxey mudan tahey Ixtiraam waalidnimo Qore:AHMED RASHEED Gulaid

Waxa aan dhambaalkan hawada u marinayaa Marwada Kowaad ee Somaliland ahna Marwada Madaxweynaha Aamina Sheekh Maxamed Jirde (Aamina-Weris), waana mid aan u arkay in uu muhiim yahay. Ugu horreyn, hooyo/eddo iga guddoon milge iyo maamuus aad geydo iyo tixgelin waalidnimo oo aan guudka kuu saarayo.
Marwada Aamina Sheekh Maxamed Jire (Aamina Waris),  maanta ee Dalkeena Somaliland waxay ahayd marwadii xiligii dadkeenu ku jiray qaxa ee Dagaalka ba,an lagula jiray Rajiimkii Siyaad bare, waxay qeyb ku lahayd taakulaynta qaxoontigaasi oo sida wakhtigaasi dad goob jooga yaal ahi ii sheegeen oo ku jiray qaxoontigaasi inay marwadu ahayd qofkii u qeybinaysay digidhadii iyo Viisayaashii ay dalalka caalamka ku geli lahaayeen taasina xiligaasi waxay ahayd geesinimo ay samaysay marwadu.
Aamina Waris Sh. Maxamed Jirde waxaan odhan lahaa dacaayada halaga joojiyo, Iyadu xukunka Dalka wax kuma laha ama ka taliso sida dadka qaarkii ku doodaan balse marwadu arintaasi waxaan leeyahey waa dacaayad ee hala joojiyo, Dalku wuxuu leeyahey Madaxweyne la taliyayaal, Wasiiro, iyo Maareyayaal hasa ahaatee iyadu ay tahay Marwadii Madaxweynaha waajibna loogu leeyahay inay Odaygeeda la taliso iyadoo in xaq loogu leeyahay talo marwo nimo taasina aanay ceeb ahayn sidoo kale waxa xustid mudan ragganimada iyo geesinimada xilkasnimada iyo hogaaminta Madaxweyne siilaanyo sidoo kale waxa bayaaminaya inaan Madaxweynu ahayn qof khalad laga dhaadhicin karo uuna yahay qof cilmi aqoon iyo garasho ilaahay ku manaystay.
Sidoo kale waxaa ka mid ahaa waxyaabaha aan leeyahey saxaafada ee iyadana marwada laga yidhaa dhanka saxaafada oo had iyo jeer qaarkeed caadaysteen inay caayan oo aflagaadeeyan marwada qaranka, kuwaas waxa xusid mudan inay yihiin kuwo maan gaaba, si gobanimo leh waxaan u leeyahey caydu dhibimayso sababtoo ah waxa cayda iyo xag xagashada wata Kursiga,
waxaan hambalyo mahadnaq usoo jeedinayaa Marwo aamina Waris oo ah Marwo huwan sharaf ixtiraam maadaama ay tahay Marwadii qaranka, waxaan ka helay siday u shaqeynayso marwada qaranka si kalsooni iyo aqooni ku dheehan tahay waxaan ku amaanayaa marwo hawlkarnimadaada aqoonyahanimadaada iyo kartida aad leedahay waxaanad iftiimisay waxyaabo badan oo dadka ka qarsoonaa hambalyo Marwo.
Marwada [Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland], waxay ka mid ahayd hablihii u horeeyey ee wax barta, dugsigeedii Dhexe markii ay dhamaysay waxa laga dhigay ardeydii Nursing baranaysay, wakhtigaasi ka dib waxa ay u baxday Wadanka Ingiriiska, iyada oo 18 Bilood ka baranaysay dugsi A level ah si ay Jaamacaddaha wadankaasi Ingiriiska u gasho. Intaasi ka dib waxa ay Jaamacaddii ku takhusustay Umulisada iyo Nursin-ka, iyada oo ay ku qaadatay shan sanadood iyo badh, intaasi ka dib waxa ay ku soo noqatay Xamar, iyada oo ku xigeen u noqotay gabadh Austaralian ah, waxaana qaliin lagu sameeyey Walaalkeed Cali Jirde oo Maalqabeen ahaa u wareegtay shaqadii walaalkeed. April, 1969, waxa ay is guursadeen Madaxweynaha Somaliland [Maxamed Maxamuud (Siilaanyo)], oo wakhtigaasi Somalia ka ahaa Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Qorshaynta, iyada oo lix Bilood guurkooda ka dib noqday Wasiirka qorshaynta Cadaadiskii Inqilaabka Ciidamada Siyaad Barre ku hayeen dadkii reer Somaliland, Aamina iyo caruurteedu waxa ay u guureen London, intaasi ka dib waxa ay sii wadatay Jaamacadeedii, iyada oo shahaadada labaad ee Jaamacadda (Master) ka diyaarisay wadankaasi, shaqana halkaasi ka bilawday. Aamina, waxa ay wakhtigaasi si weyn uga qayb qaadatay halgankii dalka lagu xoraynayey, iyada oo ka mid ahayd dumarkii qurbo jooga ahaa ee dhaqaalaha iyo taakulada ka soo ururin jiray dibadaha.
Ka dib markii dalka lagu soo noqday Aamina, waxa ay noqotay garabka uu ku duulo Madaxweynaha Somaliland (2010- ilaa hadda), Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), iyada oo ka mid ahayd dadkii halganka dheer u galay sidii uu ugu guulaysan lahaa jagada Madaxweynenimo, muddo Sideed sano oo uu guddoomiye xisbi Mucaarid ahaa waxa ay ahayd garabka bar bar taagnaa ee aan ka nasan hawlaha halganka talada dalka lagu gaadhayo. Marwo Aamina Waris, ka dib markii uu Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ku guulaystay jagada Madaxweynenimo 26, June, 2010, isla markaana jagadaasi la wareegay 27, July, 2010, waxa ay ahayd dadka sida weyn heeganka ugu jira horumarinta bulshada, iyada oo qaadatay door muuqdana ka soo baxday caawinta Agoomaha, sidoo kalena goobaha horumarinta bulshada si weyn uga dhex muuqata.

ALLAA Mahad & Mudnaanba leh,
TELL: 063-4000578
AHMED RASHEED
HARGEISA SOMALILAND

author: 
admin