Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Madaxweynaha Puntland oo tabbabar u soo xiray saraakiil ciidan “SAWIRRO”

Madaxweynaha Dawlad goboleedka Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 17 July 2017 tabar ugu soo xiray magaalada Garoowe ciidan tiradoodu dhantahay 39 askari, kuwaas oo ka kala socdey Puntland, Dowladda Federaaka Soomaaliya iyo maamuladda kale ee Dalka Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku wehelinaayey tababar kani loo soo xiray 39 ka askari taliyaha ciidanka Asluubta Puntland Cali Nuur Cumar Saalax, mas’uuliyiin ka tirsan goloyaasha Puntland, saraakiil ka tisan Madaxtooyadda Puntland iyo macalimiinta tababarkani bixinaysey. Dr Cabdiweli oo la hadlayey ciidankani ayaa ku dhiirigeliyey cilmiga iyo aqoonta labaray inay uga faa’iideeyaan dalkooda iyo dadkooda, isla markana ay ahaadaan kuwo had iyo jeer ku foogan sidii ay dalkooda uga samatabixin lahaayeen xaaladda uu maanta kujiro, uguna horseedi  lahaayeen horumar. Sidoo kale Madaxweynaha Puntland oo ka hadlayay faa’iidada ay leeyihiin tababarada noocani oo kale ahi ayaa sheegay  inay wax badan ka tari doonaan is dhexgalka ummaada Soomaaliyeed, is aaminaada shacabka Soomaliyeed  iyo wax wadda lahaanshaha  Qaranka Soomaalityeed. ”Waan ku farax sanahay runtii tababaradda noocanoo kale ahi inay Puntland ka dhacaan, Ummadda Soomaaliyeed ee isku danta ah, ee isku u jeeddada ahi inay isu yimaadaan, tababarka marba meel lagu qabto, lays dhexgalo, wixii macluumaadda iyo aqoona lays weydaarsado waa wax wanaagsan, dabcan isu [...]

author: 
Mohamed M Hassan