Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Sharciga socdaalka Soomaaliya oo isbadal lagu sameynayo

Agaasimaha Hey’adda Socdalka iyo Jinsiyadda ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegy in ay dib u eegis ay ku sameynayaan sharciga socdaaalka Soomaaliya  si uu ula jaanqaado wadamada Caalamka. Sidoo kale Hey’adda ayaa ku guuleysatay in ay furto xuduudaha Soomaaliya soo gelista xagga sharciga, iyagoo sido kale rajeynaya in ay furaan meela kale oo xuduudaha dalka ku yaalo xarumahooda si loo hubiyo xagga gelista iyo ka bixista dalka sharciyada socdaalka Soomaaliya si ay kaga qeyb noqdan amniga dalka. Gaashanle sare Maxamed Aadan Jimcaale Koofi oo u waramay Radio Muqdisho ayaa sheegay inay latashiyo la sameynayaan hay’adaha ay quseyso ee dowlada Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka, si dib u eegis loogu sameeyo sharcigan. “Shirka maanta waxa uu ahaa wadatashi ku saabsan dib u eegis lagu sameynayo sharciga Socdaalka Soomaaliya, waxaana la sameeyay 1966 oo lagu soo saaray xeer, waxbadan ayaa ka dambeeyay oo isbadalo ka dhacay dalka iyo caalamka, waxaa is badalay Dastuurkii dalka, waxaa kaloo is badalay qaab dhismeedki dowladnimo ee xilligaasi la heystay, waxaa la qaatay Nidaamka Federaalka, waxaa addduunka ku soo kordhay xaalado amni iyo waxyaabo badan oo u baahan xakameyn, waxaana batay socdaalo Soomaaliya soo galaya iyo kuwa ka baxaya” ayuu yiri Agaasimaha Hay’adda Socdaalka Agaasimaha ayaa [...]

author: 
Mohamed M Hassan