Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Taliska Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed oo Maanta soo Bandhigay Sanaadiiq ay Shacabku Cabashooyinka Ku soo Gudbiyaan.

boloos

Taliska Boliiska Soomaaliyeed ayaa Maanta Soo Bandhigay Sanaadiiq Lagu Rido Cabashooyinka ay Qabaan Bulshada Soomaaliyed Gaar ahaan Kuwa Ku sugan G/Banaadir.

Sanaadiiqdaan Ayaa Loogu Talagalay In Lagu Rido Cabshooyinka, Iyo sidoo Kale Talooyinka Kale ee Dadka Ka dhex-guuxaya.

Tilaabadaan Waxaa Hindisay Ku simaha Taliyaha Ciidanka Cidanka Boliska Soomaaliyeed Gen, Mukhtaar.

” Qaasim Axmed Rooble oo ah Afhayeenka Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed ayaa Saxaaada u sheegay in La dhigi doono Sanaadiiqdaan Gooba Muhiim ah Sida Xarunta Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar, Iyo Maxkamada Sare ee Dalka.

Sidoo kale kale Waxa uu sheegay Afhayeenka Boliiska in Todobaadkiiba Hal Jeer La Furi doono Sanduuqda, Islamarkaana Lagu Furi doono Taliyaha Hortiisa ka dibna Cabashooyinka Isla Goobta Looga Jawaabi doono.

Maxamed daacad Muqdisho.

Mxuseen973@gmail.com

 

author: 
admin