Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Hardanka garbaha Soomaaliya: Is-marin waaga Dowlad-Dhexe iyo Federaaleynta!

W/Q Wasiir C.fitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Tarjumiddii: Khadar Axmed Nuur Oog

Soomaaliya maanta waxaa ka jira loollan adag oo u dhexeeya dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe kaasoo soo maray heerar iyo  qaabab  kala duwan. Dowladda dhexe waxay walwal kaqabtaa awoodda iyo saamaynta isa soo taraya ee  dowlad goboleedyada lasoo baxeen, waxayna u aragtaa inay duulaan kuyihiin  kuraastooda. Taasoo halis galin karta dadaaladda iyo ruclaynta (dowladda dhexe) ay  ugu jirto  lakali-noqoshada iyo maroorsashada awoodda guud ee dalka.

Aniga taasi iima muuqato, waxaan u arkaa in sirta ku duugan horumarka dowladda dhexe ay ku jirto  in xiriir dhow ay lasamyso dowlad goboleedyada, ayadoo adeegsanaysa siyaasad furfuran oo sabab u noqan karta  isu soo dhawaansho labada dhinac.
Wixii isfahanwaa ahna xal laga gaaro , tani waa istiraatiijiyad ku qotonta u hiilinta  danaha wadanka iyo hirgelinta nidaamka lagu heshiiyay ee federaalnimo. Taasi waxay dhabbada u xaaraysaa in wadanka laga samato bixiyo  duruufaha   adage ee in mudda ahba  la’ildarnaa.

Dowladdan, hab-dhaqankii  aanu ka aragnay sagaalkii bilood ee ay jirtay waxay noqotay mid  ka duwan wixii laga filayay oo ahaa hirgelinta nidaamka federaalinimada. Dowladda dhexe waxay door biday colaadinta  nidaamka federaalnimo  ee lagu heshiiyay,  nidaamkaan waa mid kulmiyay dhammaan qaybihii ku kala duwanaa siyaasadda kadib markii lagu bixiyay dadaal dheer dhibaatooyin badana lagala soo  kulmay.

Buug uu qoray raysal wasaarihii hore ee Soomaalia haddana ah madaxweenaha dowlad goboleedka puntland, Md. Cabdiwali Maxamed Cali Gaas,  cinwaankiisu yahay caqabadaha ku horgudban in laga gudbo marxaladda kumeelgaarnimada  wuxuu ku sheegay buuggiisa in nidaamka federaaligu uu yahay mid dhayaya boog in badan hoos uqodan iyo in dib loo hanto wixii lawaayay ee ah tiirarka iyo nuxurka  wadaninimo, waddada kaliya ee lagu hanan karana ay tahay in layagleelo xukuumad dhexe oo kulminaysa  qaybaha kala duwan ee bulshada. Taasoo dammaanad qaadaysa qaybinta awoodaha iyo khayraadka si siman oo ay cadaaladdi kudheehantahay.

Federaalnimadu ma tahay nidaam laga hirgelin karo Soomaaliya?

Inta aanan u guda galin faa’iidooyinka iyo khasaaraha nidaamka federaalka uu leeyahay, qaababka iyo noocyada kala duwan ay noqoto, bal  marka hore waa inaan is lafahanaa in dowladdii Soomaaliya ka jirtay ay eersatay xukunkii ku dhisnaa kali-talisnimada ee gacanta birreed  wadanka ku maamulayay hoggaankana u hayay Maxamed Siyaad Barre. Taasi waxay dhalisay in lagala  horyimaado kacdoon iyo diidmo qayaxan, kadib markii loo adkeysan waayay nidaamkii qalafsanaa ee u diiday inay dadku cabiraan  dareenkooda danahoodana kahadlaan, xuquuqdooda asaasigana duudsiiyay, si ula kacna u gacan-bidixeeyay gobalada ka fog xarunta dhexe, falcelintii laga sameeyay cadaadiskaas waxay  keentay dhibta illaa iyo maanta na haysata.

Haddaad si hoose u dhuuxdid xusuus qorkii uu qoray madaxweenihi hore ee Soomaaliya C/llaahi Yuusuf Axmed,  cinwaankiisuna ahaa- Halgan iyo Hagardaamo,  waxaa kuu soo baxaya in xalka Soomaaliya marnaba uusan dhameestirmaynin illaa labalaadhiyo wadatashiga, hanaanka siyaasadana laga qaybgaliyo dhamaan awoodaha iyo qaybaha siyaasadda ee kala duwan. Waxaa la yaqiinsaday caqliyada kudhisan isfogaynta iyo isfaquuqidda aan laga dhaxlin wax aan ka ahayn kala fogaansho iyo isnacayb , awood-aruusan oo aan baahsanayn maahan mid kuhabboon mujtmac qaab-dhismeedkiisu  somaaliyoo kale yahay  oo  u kala qaybsan  qabaa’ilo  gobalo kala duwan degaan.

Nidaamka dimuqraadiga ee Soomaaliya u baahantahay waa mid tixgelin siinaya qaab-dhismeedka qabiilka ee wadnka, si loo ilaaliyo isu-dheelitirnaanka qabaa’isha, si looga badbaado isku-dhac, waa in la iswaafajiyaa nidaamka dimuqaraadiyadda iyo federaalnimada ee hab-qabiileedka u dhisan si loo helo nidaam ku haboon nidaam beeleedka wadanka uu sameysanyahay.

Shirkii Jabuuti lagu qabtay bishii lixaad ee 1992 dii oo ay kasoo qeyb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada, oo ay ka mid ahaayeen siyaasiyiin, aqoonyahano iyo xubno matalayay aduunwaynaha, waxay is la qaateen qodobo lagu tilmaamay kuwa taariikhda baal dahaba ka galay oo ahaa xoojinta iyo taabagelinta nidaamka federaaliga ah. Si geesinmo leh ayaa  lasoo jeediyay fikrad ku dhisan in dowlad goboleedyada ay iyagu ismaamulaan si ay u hormariyaan  goboladooda, wuxuu ahaa heshiis matalayay rabitaanka dhabta ah ee awooddaha kala duwan ee wadanka kajiray, maqcuul matahay in xukumaada federaalka inaysan ka warqabin heshiiskaas. Kaasoo  aan hayno  nuqul kamida,  aanu ognahayna  in ay kasoo wareegtay muddo kabadan 20 sano, waa wax aan laqaadan Karin in daaqada laga tuuro dadaalki loo galay in ummadda heshiis la dhex-dhigo, layskuna keeno.

Khilaafka khaliijka

Dhibaatada ka taagan khaliijka waxay saameyn ku yeelatay Soomaaliya. Afar dowladood oo Carab ah, ayaa waxay go’aan ku gaareen inay ku soo rogaan dowladda Qadar cunaqabteyn  dhinaca dhulka baddda iyo cirka.

Markii laga fiiriyo dhinaca akhlaaqda waxaa munaasib aheyd in dhexdhexaad laga noqdo khilaafka walaalaha Carbeed dhexdooda ka aloosmay, iyo in  ladhiiri geliyo in khilaafka lagu soo afmeero wadahadal, lakiin su’aasha isweediinta mudani waxay tahay: maxay Soomaaliya u dooratay mowqifkaan dhexd-hexaadanimada ah oo ay dad badani u arkaan inay u xaglinayso  dhinaca Qadar?! Go’aankaan  masiiriga ah se, maxaa wadatashi looga galinwaayay maamul goboleedyada ?

Waxaa laga yaabaa  dadka qaarkii inay  is weydiiyaan  maxaa ka galay dowlad goboleedyada wixii ku saabsan xiriirka dibadda,  ayagoo milicsanya dastuurka wadanka qodobkiisa 54-aad oo  ay ku caddahay in wixii laxiriira umuuraha dibadda, lacagta, difaaca wadanka, iyo baasaboorka  ka talinteedu ay ku koobantahay dowladda dhexe, aysana boos uga banaaneen dowlad goboleedyada. Taasi waa sax, shakina lama galin karo; lakin waxaa jira qodobka 53-aad oo xaq u siinaya in maamul goboleedyada go’aannada masiiriga ahi laga qeybgaliyo go’aan ka gaaristeeda.

Go’aanka ay la kali noqotay dowladda Federaalku, waxaa shaki sii galiyay oo sii murjiyay xaaladan  waxay ahayd in go’aankaasi aan l amarin labada Aqal kan Hoose iyo kan Sareba.

Maareynta khilaafaadka u dhexeeya dowladdaha Carabta iyo go’aan ka qaadashadooda maahan mid ugub ku ah Soomaaliya , heshiiskii muranka badan dhaliyay ee camp david, Soomaaliya waxay la safatay wadanka Masar kadib markii Masar ay go’doomiyeen dowladdaha Carbeed intooda badan. Waxaa ka loo jiray khilaafkii Kuweyt iyo Ciraaq in Soomaaliya ay la safatay Kuweyt. Taasoo marnaba aanan laga filanayn, illaa hadda Kuweyt, abaal ayay u haysaa Soomaaliya, mar aan booqday Kuweyt dhamaakii 2015 kii, waxaan soo o gaaday in ardeyga Soomaaliga ahi, uu ku dhigto Dugsiga Hoose iyo kan Saraba lacag la’aan ayagoo abaal uga dhigaya mowqifkii halyeeynimada ahaa ay kula safteen wadankooda

kadib markii xukuumada Soomaaliya ay qaadatay go’aankii dhexdhexaadnimada  dowladda Qadar waxay ku dhaqaaqday talaabooyin ay uga golleheed inay uga baxdo go’doominta, waxay ku tilaabsata yin dowlada badan ay ka cafisay dalkugal  (visa), Waxaa nasiib daro aheyd in Soomaaliya aysan ka mid aheyn dowladahaasi. Qadar waxay balaadhisay xidhiidka dhaqaale ay lalahayd dowlado qaatay mowqifka Soomaaliya oo kale, waxaa kamid ahaa Suudan, Itoobiya iyo Cuman. Waxaan si deganaansho iyo is qadarini ku dheehantahay u waydiinayaa xukuumadeena anagu booskee ka taaganhay mashariicdaas Qadar ay ku taagayreeso kuna abaal marinayso dowladahaasi aanu isku mowqifka ka aheyn khilaafka gacanka Carbeed?

Talooyin looga bixi-karo ismaan-dhaafka siyaasaddeed

Soomaaliya maanta waxa ay dul hoganaysaa dhardhaar kar karaya taasoo ugu wacantahay saameyn dibaddeed oo farro kulul ku haya, jiwigana waxaa hareeyay khilaafaad siyaasdeed ee gudaha ah, si looga baxo waxaan soo jeedinayaa talooyinkan hoos ku taxan:

1) Khilaaf kasta  oo u dhexeeya ummaddi  waxaa asal u ah isfahnwaa, ka soo unkuma go’aamo iyo qodobo aan si fiican loo karkarin loogana fakirin ,taasina waxay ka soo ifbaxdaa  aragtida iyo mowqifka uu qofku  qaadanayo. Taasi waa meesha ay kasoo burqanayso iskudhaca soo laalaabta ee u dhexeeya dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, si looga gashaanto arintaa waa in xukuumadda ay dhamaystirtaa dastuurka qabyada ah ee isfahanwaaga marwalba dhaliya.

2) in dowladda dhexe ay xilweyn  iska saarto  sidii ay uqancin lahayd dowladaha qaybta ka federaalka iyo in si dhab ah loo hirgaliyo shuruucda inoo dajisan ee nafaraysa taabgalinta iyo baahinta nidaamka federaalnimo.

3) In laga fogaado caqliyadda ku dhisan faquuqidda qaabaa’ilada miisaanka culus leh si uusan khalkhal ugu iman dheelitirka siyaasadda. Dr Towfiiq asagoo k ahadlaya waxyaalaha  keenay in mashruuca xarakada Islaamiga ee Soomaaliya uu la hanaqaadi waayay, waxa uu ku sheegay  inaysan kafaa’iideesan qaabaa’isha waaweyn ee saamaynta leh.

4) In dowladdu ay u furfurnaato dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada, dad badan waxay uga gows-qabsanayaan dowladda dhexe, waxay tahay inay fuquuqid iyo is fogeyn ku caan baxday, ayagoo iskugu soo aruray kooxyar oo ka duulaya  aydaloojiyada ama fikir qura oo mideeya. Soomaaliya waa la wada leeyahay cid qura ma lahan, iskaashi baana lagu dhisi karaa dalka.

Qore: Wasiir C.fitaax Nuur Axmed (Ashkir)
Tarjumiddii: Khadar Axmed Nuur Oog
————

Xigasho: Waxaa dhambaalkaan laga soo Turjumay Page-ka Caanka ah Ee Huffigtonpost-Arabi.

The post Hardanka garbaha Soomaaliya: Is-marin waaga Dowlad-Dhexe iyo Federaaleynta! appeared first on WardheerNews .

author: 
Abdelh