Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

DAAWO:- Bulshada Gobolka Sool Oo Cadho Ka Muujiyey Hadal Kasoo Yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida + Jawaab Celintooda

Dec 6, 2017 Laascaanood (Cadceed) – Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool, ayaa Cambaareeyey Hadal shalay ka soo yeedhay Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo Fadhigii Isniintii ee Golahaas ka sheegay inaanu jirin Heshiis ay Somaliland iyo Khaatumo wada galeen, balse uu jiro Heshiis weli ku kooban Madaxweynaha xilka ka degaya Axmed-Siilaanyo iyo Hoggaamiyaha Kooxda Khaatumo Cali Khaliif Galaydh, balse uu ku dooday inuu Heshiis rasmi ah noqon doono marka Golayaasha Baarlamaanka loo soo gudbiyo ee ay Ansixiyaan Guurtida iyo Wakiilladu.

Hase-yeeshee, Qaar ka tirsan Dadweynaha ku dhaqan magaalada Laascaanood, ayaa Sheegay inay aad uga xun yihiin Hadalka uu Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland ku daadifeeyey Jiritaanka Heshiiskaas oo uu ku tilmaamay mid weli ku kooban Axmed-Siilaanyo iyo Cali Khaliif Galaydh oo 20-ka bishii Tobnaad ee sannadkan 2017-ka magaalada Caynabo ku kala saxeexday Heshiis Qodobbo kala duwan ka kooban

Cadceednews Hargeysa

author: 
admin