Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

DAAWO:-Madaxweynaha La Doortay Ee Somaliland oo La Kulmay Diblomaasiyiin Ka Socda Midowga Yurub, Turkiga iyo Qaramada Midoobay

Dec 7, 2017 Hargaysa (Cadceed) –Madaxweynaha la doortay Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la yeeshay diblomaasiyiin sarsare oo ka socda midowga reer Yurub, Turkiga iyo Qamada Midoobay.
Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Somaliland maanta, ayaa waxa madaxweynaha ku wehelinayey ku-xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire iyo xubno kamid ah hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, waxana dibloomaasiyiinta kulanka ka qaybgalay oo ay kamid yihiin madaxa xafiiska siyaasadda qaramada midoobay u qaabilsan Somaliland iyo Soomaaliya Mr.Jeffrey Sims , Alberto Fiat oo ah wakiilka midowga yurub u qaabilsan Somaliland iyo Wakiilka dawladda Turkey-ga u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland Mr.Ali Noyan Coskun, ayey diblomaasiyiintani ku guddoonsiiyeen hambalyo ay ka sidaan madaxda dalalkooda iyo kuwa xafiisyada ay wakiillada ka yihiin, waxana ay sheegeen inay si dhaw ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub iyo xukuumaddiisaba.
Diblomaasiyiintani waxa ay bogaadiyeen doorashadii madaxtinimo ee dalka ka qabsoontay, waxana ay sheegeen inay ahayd mid Somaliland usoo hoysay guul horleh, kuna tilmaamay tallaabo muhiim ah oo xagga Dimuqraadiyadda loo qaaday.
Sidoo kale waxa ay diblomaasiyiintan oo uu madaxweynuhu si gooni gooni ah ula kulmay si isku mid ah u sheegeen inay si hagar la’aan ah ula shaqayn doonaan madaxweynaha cusub, kuna dedaali doonaan in lasii wanaajiyo xidhiidhka ay Somaliland la leedahay guud ahaanba dalalka kala duwan ee caalamka iyo qaramada midoobayba.
Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa isagu ka mahadceliyey booqashada ay diblomaasiyiintani ku yimaadeen Somaliland iyo kulanka ay isaga la qaateenba, waxana uu sheegay inay ka go’an tahay sidii kor loogu sii qaadi lahaa xidhiidhka dimlomaasiyadeed iyo midka dhaqaale ee Somaliland la leedahay dunida inteeda kale.
d
24312471_506454219718302_8658711173178372085_n

24852167_1722964194433003_8107247551182855645_n

24852172_506454246384966_1789138068849787780_n

24852488_506454416384949_6284402632865337081_n

24899760_506454409718283_7391390280551382462_n

d

author: 
admin