Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Somaliland iyo Puntland waxa ay ku dagaallamayaan dhulka Khaatumo, mana oggolin ( Daawo war saxaafadeed uu nin reer Khaatumo ahi bixiyey )

Awdalpress – London – Dadka ka soo jeeda qabiilka Dhulbahante ee samaystay dawlad goboleedka Khaatumo ayaa u arka in dagaalka ka socda degaannadoodu ay dhib ku hayaan dadkooda, dadka dhimanaya amma barakacayaana ay yihiin dadkooda.

 

Haddaba nin u hadlay Khaatumo ayaa ka dhawaajiyey in labada dhinac ee isku haya dhulkaasi ee Puntland iyo Somalilandna ay u arkaan in ay gardarro isugu haystaan dhulkayaga. Sidaasi daraaddeedna ay ka go’an tahay in ay labada dhinacba la dagaallamaan.

 

Dhibta kale ee ka daranina waxa weeye ayuu ninkaasi yidhi, ‘ labada dhinac ee dagaallamayaa ( Puntland iyo Somaliland ), waxa ay soo hubaynayaan dhallinyartayada, laakiin waan ka tashan doonnaa ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey.’

 

 

Wadahadalka Khaatumo iyo Somaliland ayuu ninkaasi warkiisa raaciyey. Balse waxa la hadal hayaa in maamulka Puntland ay ka fekerayso in ay aqoonsato maamulka Khaatumo.

Awdalpress

author: 
staff-reporter