Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Taabi Cabdi Maxamed oo la Kulmay Dhaqaatiirtii Dawaysay Bukaanadii Maamulkii Hore uu Caafimaad siiyay.

Gudoomiyihii Hore ee Gobalka Banaadir Taabit Cabdi Maxamed ayaa Wadanka Turkiga Kula Kulmay Dhaqaatiirtii Daweeysay Dadkii Qabay Xanuunada Kala duwan oo Horay Maamulkiisa uu Turkiga Xaalad Caafimaad Ugu diray.

Duqqii Hore ee Muqdisho ayaa Bartiisa Facebook ku soo Qoray Waxaan Waqti La qaatay Dhaqaatiirtii Daweeyaasay Shacabkeena.

” Waxaan xalay la casheynay dhaqaatiirtii qaliinka u sameeyay dhamaan dadkii daryeelka caafimaad magaalada Istanbul loogu keenay. Waxaan uga mahadceliyay doorkoodii shariifka ahaa ay ka qaateen badbaadinta iyo rajo u soo celinta walaalaheena. Abaal gaar ah bay nagu leeyihiin dhaqaatiirtaas. Waxaan sidookale si gaar ah ugu manadcelinayaa walaalkay Salman Jamal Said & Walaashay Asha Keyf sida ay maalin iyo habeen ugu taaganyihiin caawinaada walaalahooda daryeelka caafimaad u yimid. Allaha idinka abaal mariyo wanaagiina, Sidaas ayuu Yiri Taabit Cabdi.

author: 
admin