Ila Qosol: Madaxweynaha Dhaarintiisa

Alshabaab oo Xalay Weeraray saldhiga AMISOM ee Maslax.

Waxaa xalay kooxo hubeysan ay Weerar ku qaadeen xerada  maslax oo fadhiisimo u ah ciidamada xoogga Dalka iyo kuwa AMISOM.

Qaar ka mida dadka deegaanka oo aan lahadalnay ayaa inoo sheegay in daqiiqado kooban ay rasaas isweydaarsanayeen ragi weerarka Soo qaaday, in ciidanka dowladda ee xerada  joogay.

ilaa iyo hada lama xaqiijin  khasaaraha rasmiga ah ee weerarkaas ka dhashay, Maadaama uu Weerarkaasi dhacay Xili Habeen ah.

Degmooyinka kala duwan ee Ku yaalla Gobolkaani Banaadir ayaa inta badan waxaa ka dhaco weeraro ku dhufee ka dhaqaq ah iyo bambaanooyinka lagu tuuro xarumaha iyo saldhiggayada Ciidanku joogaan.

Hasa yeeshee Deegaanka Suuqa xoolaha Waxuu Ka mid yahay Goobaha inta Badan Lagu Tiriyo in ay Ka jirto Awooda Alshabaab.

author: 
admin